”Al Shabaab ma inay wax xukumaan ayay doonayaan mise inay dad uun laayaan?!” – Faarax Macallin

0

Siyaasiga Faarax Macallin ayaa ka hadlay moowduuc ku saabsan waxa uu yahay ujeedka kooxda Al Shabaab oo inta badan fulisa howlgallo ay kaliya dhan ku dhintaan, ku dhaawacmaan ama hantiyo ku burburto, taasoo ay umaddu ku doodayso in aan la fahmi karin danta ku jirta iyo diinta ay waafaqsan tahay.

Wuxuu Twitter-kiisa kusoo qoray Faarax Macallin: ”Waxaa loo baahan yahay baaritaan saxaafadeed oo heer sare ah si loo daraasadeeyo AlShabaab.” ayuu ku bilaabay.

”Uma dagaallamayaan in ay awoodda qabsadaan oo Somalia xukumaan. Umana dagaallamayaan inay kasbadaan quluubta dadka Soomaaliyeed ama ay sameeyaan nidaam lagu bedelo midka haatan jira.” ayuu raaciyay.

”Waxay kaliya laynayaan dadka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed. Haddaba yaa soo diray, sababteese loosoo diray?!” ayuu kusoo af jaray.

Hadalsame Media