Wefdi uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo soo gaaray Muqdisho

0

(Muqdisho) 20 Luulyo 2019 – Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South Africa Mudane Thabo Mbeki ayaa soo gaaray Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho, iyoo uu soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad oo ay wehliyaan Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wakiilada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Soo dhoweynta kaddib waxaa loo galbiyay qolka nasashada ee garoonka halkaas oo kulan isxog wareysi ah ku wada qaateen wafdiga iyo mas’uuliyinta uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdullaahi Xaamud ayaa Warbaahinta u sheegay in wafdiga ay kulamo la qaadan doonaan madaxda dalka.

Guddiga uu hogaaminayo Madaxweynihii hore Wadanka Koofur Afrika Thabo Mbeki ayaa Midowga Afrika u xil saareen xalinta khilaafaad ka jira Qaaradda Afrika, ayagoo ka soo shaqeyay dalka Suudaan, inta ay wadanka joogaan waxaa ay la kulmi doonaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay la kulmi doonaan u qeybsanayaasha Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Francico Madiera iyo James Swan.

Hadalsame Media