Siyaasiyiinta Britain oo HIILLADII ugu badnayd u muujiyay Ilhaan Cumar (Arag liiska)

0

(London) 18 Luulyo 2019 – Daraasiin ka mid ah siyaasiyiinta Britain ayaa hiillo u muujiyay Ilhaan Cumar, kuwaasoo ay ka mid yihiin hoggaanka Labour Party ee Jeremy Corbyn, Duqa Magaalada London ee Sadiq Khan iyo qaar kale, kuwaasoo Ilhaan uga hiillinaya MW Maraykanka ee Donald Trump oo beryahan daba dhigtay.

Warqad ay qoreen kooxaha cunsuriyadda la dirira ee dalka UK ayaa sidoo kale lagu taageeray hablaha Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib, iyo Ayanna Pressley, kuwaasoo uu Trump Axaddii ku yiri “ku noqda dalalkii ay dembiyadu daashadeen ee aad ka soo dalowdeen”, tiiyoo ay 3 ka mid ihi ku dhasheen Maraykanka.

“Waxaannu yaqyaqsi ka joognaa weerarka uu idinku soo qaaday Donald Trump,” ayaa lagu yiri warqaddan. “Cunsuriyaddiisa bilaa xishoodka ihi dunida oo idil ayay ka maajisay.” ayaa la daba dhigay.

Halkan ka eeg taxa dadka saxiixay

  • Nick Lowles, CEO, Hope Not Hate
  • Sadiq Khan, mayor of London
  • Tim Roache, general secretary, GMB
  • Rushanara Ali MP
  • Marsha De Cordova MP
  • Chi Onwurah MP
  • Mike Amesbury MP
  • Tonia Antoniazzi MP
  • Hilary Benn MP
  • Luciana Berger MP
  • Yvette Cooper MP
  • Tom Copley AM
  • Jeremy Corbyn MP
  • Angela Eagle MP
  • Gill Furniss MP
  • Ruth George MP
  • Roger Godsiff MP
  • Louise Haigh MP
  • Margaret Hodge MP
  • Sharon Hodgson MP
  • Baroness Hughes of Stretford
  • Diana Johnson MP
  • Ruth Jones MP
  • Barbara Keeley MP
  • Afzal Khan MP
  • Baroness Lister of Burtersett
  • Caroline Lucas MP
  • Sandy Martin MP
  • Catherine McKinnell MP
  • Anna McMorrin MP
  • Lisa Nandy MP
  • Jess Phillips MP
  • Yasmin Qureshi MP
  • Angela Rayner MP
  • Paula Sherriff MP
  • Valerie Vaz MP
  • Tom Watson MP
  • Leanne Wood AM
  • Baron Wood of Anfield
  • Manuel Cortes, general secretary, TSSA
  • Sam Tarry, president and chair, CLASS
  • and 13,809 other Hope Not Hate supporters

Hadalsame Media