“Haddaad is dhiibto jilaalka, waxaad waayeysaa rajada Gu’ga, quruxda Xagaaga iyo bisaylka Dayrta!!”

0

(Hadalsame) 19 Luulyo 2019 – Aabe waayo-arag ah ayaa afar wiil oo uu dhalay doonayey in uu baro in aanay wax u xukumin ama isku dhiibin si degdeg ah, Waxaana uu u direy geed ku yaal goob masaafo u jirta in ay soo eegaan xaalkiisa xilliyo kala duwan. Kii koowaad waxa uu tegay jiilaalkii, kii labaad-na Gu’gii, kii saddexaad-na Xagaagii, kii afraad-na dayrtii.

Maalin dambe ayuu iskugu yeedhay waxa uuna weydiiyey xaalka ay ku soo arkeen geedkii, waxayna ku jawaabeen sidan:

Kan koowaad waxa uu yidhi “waxa uu ahaa geed fool-xun, qalqaloocsamay oo qaadhay” , kii Labaadna kuma raacin ee waxa uu yidhi “waxa uu ahaa geed caleemo cagaaran leh oo rejo badani ka muuqato, kii Saddexaad-na labadoodaba wuu khilaafay waxa uuna yidhi “waxa uu ahaa geed leh ubaxyo udgoon badan indhahana aad u soo jiidanaya” , kii ugu yaraana dhamaantoodba wuu beeniyay waxa uuna yidhi “waxa uu ahaa geed bislaaday oo diyaar u ah in midhihiisa la goosto”.

Odeygii aabahood waxa uu dhamaantood u sheegay in ay saxsan yihiin laakiin uu mid kastaba arkay xilli keliya, Xilli keliyana laguma xukumi karo nolosha geedka iyo nolosha qofeedba oo waa in la sugaa inta afarta xilliba dhamaanayaan.

Wiilashiisina waxa uu ku yidhi “Haddaad is dhiibto jilaalka, waxaad waayeysaa rajada Gu’ga, quruxda Xagaaga iyo dhamaystirnaanta ama bisaylka dayrta. Ha ogollaan xanuunka hal wakhti ahi in uu baabiiyo quruxda iyo rejada noloshaada dambe oo dhan. Xaaladauhu wey is bedbedelaan mar kasta. Maalmaha wacan ee dambe waa in aanad ku burburin dhawr maalmood oo qadhaadh, wax walba wey hagaagayaan Insha allah.

Xigasho: Cabdicasiis Axmed Xuseen “Samaale”

Hadalsame Media