DHEGEYSO: Wiil dhallinyaro ah oo xalay dhac & dil loogu gaystey Gothenburg (Dad la qabtay)

0

(Gothenburg) 17 Luulyo 2019 – Waxaa lasoo qabtay 3 la tuhunsane oo ku eedaysan dilka wiil dhallinyaro ah oo 18-jir ahaa

Kaas oo xalay lagu toorriyeeyay maxaddada ama astaanka Hjalmar Brantingsplatsen ee xaafadda Hizingen ee magaalada Göteborg.

Booliiska ayaa dhambaal dhiilla leh helay 2-dii habeennimo, goortaasoo loo sheegay dhac loo gaystey wiilka 18-jirka ah iyo mid kale oo la socdey iyadoo ay middi ku handadayaan 3 qofood, 2 wiil iyo gabar. Sida uu sheegayo Thomas Fuxborg, Afhayeenka Booliiska qaybta Galbeedka Sweden.

”Waxay ahaayeen laba wiil oo 18-jirro ah, kuwaasoo ay dhac u gaysteen 3 qofood, midkood baana la toorriyeeyay waxaana laga dhacayay telefoon gacmeedyo iyo boorso,” ayuu yiri Thomas Fuxborg.

Sarkaalka Fuxborg ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay wixii ay la kulmeen markii ay yimaadeen goobta shilka, xilli uu dhaawac xun qabo wiilka la toorriyeeyay.

”Markii aannu goobta nimi waxaan aragnay in wiilka 18-jirka ihi uu qabo dhaawacyo halis ah, waxaana loo dhigay isbitaalka, deetana saacado yar kaddib wuxuu isbitaalku sheegay inuu dhaawacyadii u geeriyoodey,” ayuu raaciyay Thomas Fuxborg.

Wiilka ayaa dhintay 2 saacadood kaddib markii uu dhaawacmay, iyadoo ay booliisku meel aan goobta shilka ka fogayn kasoo qabteen 3-da qof ee dilka iyo dhaca lagu tuhunsan yahay. Waxaana iminka durba bilaabatay baaris hordhac ah oo ku saabsan kiiskan dilka & dhaca ah.

Hadalsame Media