”Adduunku Qadar ha waydiiyo sida ay gantaaleheedu ku tageen Talyaaniga” – Sucuudiga oo Qadar ku shidaya + Sawirro

0

(Torino) 17 Luulyo 2019 – Baaritaan lagu sameeyay taageerayaal ka tirsan kooxda Juventus ayaa horseeday in lasoo helo kayd hub ah oo aad u ballaaran, kaasoo ay xitaa ku jiraan gantaalaha dhul-ka-cirka ah, kuwaasoo ku jirey kooxaha Naasiyiinta Cusub ee cunsuriga ah.

Baaritaanka ayaa bilowday kaddib markii boorar ay leeyihiin taageerayaal ka tirsan Juventus balse raacsan afkaaraha Fajiistaha lana yiraahdo kooxda Drughi laga helay Legio Subalpina oo ah bartamaha Torino, taasoo keentay in gacanta lagu dhigo hub fara badan oo aan marna la filaynin, kaasoo la sheegay inay adeegsadaan ciidamada Qadar.

SUCUUDIGA OO ARRINTAN QADAR KU SHIDAYA

Saxaafadda Sucuudiga ayaa nudeeysa warka soo hadal qaaday in hubkani uu la mid yahay mid uu Faransiisku ka iibiyay ciidamada Qadar. Warqaadka Saudi Gazette ayaa qoray in waloow aan weli wax cad lagu haynin Qadar oo ay baaristu soconayso ay misna la yaab tahay sida uu xaalku noqon lahaa haddii uu magaca Sucuudigu xitaa qalin rasaas kula qornaan lahaa gantaalka la qabtay?

Faransiisku waa inuu Qadariyiinta waydiiyaa sida hub iyaga laga iibiyay uu ugu gacan galay kooxaha Naasiyiinta iyo Fajiistaha ah oo ah kooxo midig ah oo adduunka ugu neceb dadka aan caddaanka ahayn iyo Muslimiinta.

Wuxuu wargaysku intaa raacinayaa soo jeedin ku aaddan in Beesha Caalamku ay Qadar waydiiso sababta iyo sida uu gantaal halis ah oo ka mid ah kaydka hubkoodu uu farohooda uga bixi karo ee uu halis u gelin karo amaanka Talyaaniga?

Sidoo kale, waa in si deggan loo baaraa gantaalaha lagu adeegsanayo Libya, Syria ama Yemen, iyo meelo kale oo ay dagaallo ka socdaan kuwaasoo ay shidayaan dalal yar yar oo doonaya inay door wayn ciyaaraan, ayuu yiri wargayska oo u duur xulaya Qadar.

Dowladaha Carabta gaar ahaan kuwa aan dimoqraadiga ahayn, sida Khaliijka iwm ayaa la sheegay inay xiriir dhow la samaynteen kooxaha xag-jirka ah ee Midigta Fog si loo noco Muslimiinta ku dhaqan galbeedka, sida uu horay u qoray Daily Sabah. Halkan ka akhriso.

Hadalsame Media