DHEGEYSO: Dadka qaar oo leh hide-sideyaal keenaya in cuntada laga caago (Daraasad)

0

(Stockholm) 16 Luulyo 2019 – Daraasad cusub oo lagu baaray hide-sidka 72 kun oo qofood ayay cilmi baarayaashu ku sheegeen inay jiraan ilaa 8 hidde-side oo sababa inuu qofka ku dhoco cudurka dhimirka haleela ee Anorexia Nervosa, kaasoo ah jirro uu qofku cuntada ka caga jiido ama iska yareeyo isagoo ka cabsanaya inuu cayilo.

Daraasaddan oo ay ka qayb qaateen boqollaal cilmi baare oo caalami ah oo daraasadeeyay hide-sidayaasha ama DNA-da 17,000 oo qofood oo qaba Anorexia Nervosa iyo 55 kun oo caafimaad qaba, kuwaasoo ay ku jiraan ilaa 8 kun oo Swedish ah, ayaa lagu daabacay majaladda Nature Genetic.

Mikael Landén oo ah professor yaqaanna cudurrada dhimirka ama psychiatrist waxna ka dhiga jaamacadda Göteborg Universitet iyo machadka Krolinska Institutet ayaa ka warramaya wixii ay cilmi baaristan ku ogaadeen.

”Ugu horreeyntii, waxaannu helnay 8 hide-side oo kala geddisan oo ay u badan yihiin dadka qaba bugtada Anorexia marka loo eego dadka caadiga ah. Taa lafteeduna aad bay muhim u tahay waayo awal lama ogayn hide-sidayaasha ay u badan yihiin dadka jirradan u nuguli. Waxaan kaloo ogaanney in dadka leh hidde-sideyaashani ay sidoo kale u nugul yihiin cudurro kale oo dhanka dhimirka ah.” ayuu yiri Mikael Landén.

Yeelkeede, waxa aan la filayni waa in dadka leh hide-sidayaashan 8-da ah ee u nugul anorexia-da ay dhanka kale aad u yar tahay fursadaha ay ku qaadi karaan cudurrada dheefsiga ama metabolism-ka la xiriira sida kaadi macaanta ama Sonkoroowga, gaar ahaan nooca 2-aad ee loo yaqaanno type 2 diabetes.

Prof Mikael Landén ayaa rajaynaya in daraasaddan cusubi ay keeni karto in la daboqo qaabab cusub oo lagula tacaalo bugtadan dhimirka haleesha ee Anorexia Nervosa.

”Haddii la fahmo hab-howleedka bayolojiyeed waxaa la go’aamin karaa dawada. Tusaale, haddii aanad baahi dareemayn waxaad heli kartaa molikiyuul kaa caawinaya inaad soo ceshato dareenkaagii baahida si aad u rabooto inaad wax cunto.” ayuu yiri prof Mikael Landén.

Hadalsame Media