DAAWO: Turkiga oo dalkiisa ku farsamaynaya gantaalaha casriga ah ee S-400

0

(Ankara) 16 Luulyo 2019 – Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa u dabaal degey imaanshiyaha hannaanka difaaca cirka ee S-400 oo uu Ruushku Jimcihii bilaabay inuu usoo daabulo Turkiga, tiiyoo uu Maraykanku cunaqabatayn ku hanjabey.

Madaxwayne Erdogan ayaa sheegay in Turkigu uu doonayo inuu wax kasoo saaro gantaalahan Ruush sameega ah ee S-400, mar uu shalay ka hadlayay sanad guuradii 3-aad ee kasoo wareegtay isku dayga afgembigii dhicisoobey.

“Maantadan la joogo waxaa timid dayuuraddii 8-aad, haddii ALLE yiraahdana waxay shaqadu dhamaanaysaa bisha Abriil 2020,” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayay caasimadda Ankara.

Turkiga ayaa waxaa horay loogu diidey gantaalaha kuwan u dhigma ee uu Maraykanku sameeyo ee Patriot, kaddib markii ay Ankara codsatay in loo gudbiyo tiknolojiyadda si ay wax uga soo saarto gantaalahaasi.

Hadalsame Media