”Waxaan diyaarinaynaa qaraar ka dhan ah weerarka yaqyaqsiga leh ee Trump!” – Afhayeenka Aqalka Wakiillada + Sawirro

0

(Washington, DC) 15 Luulyo 2019 – Nancy Pelosi oo ah afhayeenka Aqalka Wakiillada ee Koongarayska ayaa ku dhawaaqday in ay karinayaan qaraar ka dhan MW Donald Trump oo Twitter-ka ku weeraray Alexandria Ocasio-Cortez iyo ‘kooxeeda.’ Halkan ka akhri Trump oo markale ku celiyay weerarkiisa.

Afhayeenka Wakiillada ayaa sheegtay inay dhaqso ugu codaynayaan qaraarkaasi oo loogu tala galay in lagu calool baaro xubaha Xisbiga Jamhuuriga maadaama ay qaarkood Twitter-kiisa difaaceen. Ma aysan sheegin Pelosi xilli cayiman oo ay sameyn doonaan codayntan.

”Todobaad dhamaadkii, Madaxwaynuhu wuxuu ka gudbey xadkiisii awalba hooseeyay ee uu isagu lahaa isagoo luuqad bilaa ixtiraam ah u adeegsanaya xubno ka tirsan Koongarayska.” ayay tiri.

”Saakana, mar kale ayuu sii amba qaaday weerarkiisa ku aaddan afar ka tirsan saaxiibadeen isagoo weliba dalbanaya in isaga la raalli geliyo. Xisbigeennu wuu ka jawaabi doonaa weerarradan yaqyaqsiga leh.” ayay raacisay.

Hadalsame Media