Siyaasiyiinta & saxaafadda Galbeedka oo weeraray hadalka Trump (Siyaasiga qura ee taageeray waa Soomaali)

0

(London) 15 Luulyo 2019 – RW xilka kasii degaya ee Britain ee Theresa May ayaa kusoo biirtay dadka cambaaraynaya Donald Trump kaddib markii cunsuriyad lagu eedeeyay goortii uu 4 gabdhood oo aan caddaan ahayn u sheegay ‘inay ku laabtaan halkii ay ka yimaadeen.’

May oo xilka ka degeysa wax aan todobaad sidaa uga badnayn kaddib, ayaa dareenkeeda muujisay, iyadoo warkeeda soo marsiinaysa qof afhayeen ah.

Trump ayaa dhaleecayn ballaaran kala kulmaya tweet uu ka sameeyay Alexandria Ocasio-Cortez, Ilhan Omar, Ayanna Pressley iyo Rashida Tlaib, iyadoo ay Ilhaan Cumar oo qur ihi ka tahay qofka aan ku dhalan Maraykanka, waloow ay ka siman yihiin inay wada yihiin dadka laga tirada badan yahay.

”Aragtida RW May ee ku aaddan luuqadda loo adeegsadey gabdhahan waa mid aan la aqbali karin.” ayuu yiri afhayeenku.

Waloow ay Trump dhaleecaynayaan siyaasiyiinta & saxaafadda reer Galbeedka oo warkiisa cunsuriga ah aad uga soo horjeestey, halka uu Aqalka Wakiilladu faraha ku hayo qaraar ka dhan ah, waxaa hadalkaa u riyaaqay Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Somaliland Maxamed Axmed Daahir, taasoo ay wax laga xishoodo ku tilmaameen dad reer woqooyi ah oo aannu la xiriirnay.

Waxaa weriyeyaasha warka Trump mid cunsuri ah ku tilmaamay xitaa ka mid ah Piers Morgan oo ka mid ah dadka taageera Trump oo ay si shakhsi ah isu yaqaannaan.

Hadalsame Media