Ciidamada Xoogga Dalka oo la siiyay gaadiid gaashaaman oo casri ah + Sawirro

0

(Muqdisho) 15 Luulyo 2019 – Ciidamada Xoogga Dalka ayaa helay ayaa gaadiid gaashaaman oo cusub kuwaasoo ay Turkigu ku deeqeen waxaana durba lagu wareejiyay ciidamada SNA. Gaadiidkan ayaa waxaa ku jira gawaarida fudud ee gaashaaman ee la yiraahdo Tiger ee uu Ruushku sameeyo.

Qalabkan casriga ah ayaa la siiyay ciidamo uu xerada wayn ee Jasiira oo ka mid ah kuwa ugu casrisan qaaradda Afrika, kuwaasoo haatan inta badan tababar ka hela Turkiga, iyadoo qaarkood loo qaado dalka Turkiga si loosoo baro xirfadaha kala duwan ee ciidamada min duulinta dayuuradaha ciidanka ilaa wadista gawaarida qafilan iwm.

Qorshahan ayaa ka mid dib usoo noolaynta iyo dib u dhiska guud ahaan Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan kuwa Xoogga oo ka mid ah hay’aadkii dowladeed ee ku burburay dagaallada sokeeye, iyadoo la doonayo in la dhiso ciidan xirfadle ah oo awood u leh ilaalinta amaanka iyo xuduudaha dalka.

Ma aha markii ugu horreeysey ee ay Ciidamada Millaterigu helaan gaadiid iyo tikniko sare loogu qaadayo cududooda iyo tayadooda howlgal.

Hadalsame Media