DHEGEYSO: Shil-dayuuradeedkii ugu xumaa muddo 30 sano ah oo Sweden ka dhacay!

0

(Umeå) 15 Luulyo 2019 – 9 qofood ayaa ku dhimatay shil dayuuradeed ka dhacay meel ka yara baxsan magaalada Umeå shalay saacaddu markii ay ahayd 2-dii duhurnimo, sida ay wakaaladda Ekot u xaqiijiyeen maamulka gobolka Västerbotten.

Dayuuradan oo ay dadku doonayeen inay dallaayad uga boodaan ayaa noqotay shilkii ugu xumaa taariikhda dallaayadaha Sweden, sida ay sheegtay Jamciyad ay leeyihiin dadka dallaayadaha ku booda oo la yiraahdo fallskärmsförbundet.

Henrik Sahlin, oo goobta taagnaa markii uu shilkani dhacayay ayaa P4 Västernorrland uga warbixiyay wixii uu indhihiisa ku arkay.

“Bilowgii waxaan arkay matoor wiririfleeynaya, waa matoorkii dayuuraddee, deeto markii aan sare eegay waxaan arkay dayuurad dhulka kusoo dhacaysa,” ayuu yiri Henrik Sahlin, oo la hadlay P4 Västernorrland.

Dayuuradda oo soo duushay abbaarihii 1-dii iyo barkii (13.33) ayaa ku burburtay gasiirad yar oo la yiraahdo Storsandskär, taasoo 2 km u jirta garoonka dayuuradaha Umeå, kuna dhex taalla biyo baxada webiga Umeälven.

Dhanka kale, baaritaanka sababaha shilkan ayaa qaadan kara qiyaastii ilaa hal sano, sida ay sheegayso Hay’adda Baarista Shilalka. Peter Swaffer, waa madax waaxeedka qaybta baarista shilalka wuxuuna Ekot u warramay mar uu kusii jeedey goobta shilka, isagoo sheegay inay weli deg deg tahay in la meeleeyo sababta shilka, balse ay khibrad leeyihiin.

“Waxaannu leenahay waaya aragnimo badan oo ku saabsan shilalka dayuuradaha qaada baarashuudleeyda ha ahaato heer qaran iyo heer caalamiba anagoo la shaqaynayna dalal kale,” ayuu yiri Peter Swaffer.

Shilkan ayaa ah midkii ugu xumaa ee ka dhaca hawada Sweden tan iyo 1989-kii, markaasoo uu dhacay shil ay ku dhinteen 16 qofood oo ka dhacay garoonka Oskarhamn Airport, sida ay sheegtay hay’adda badbaadada hawada ugu qaybsan dalka Sweden.

Hadalsame Media