Kenya oo ka hadashay weerarkii Kismaayo & hindise ka dhan ah Al Shabaab oo ay soo jeedisey

0

(Nairobi) 14 Luulyo 2019 – Kenya ayaa goor dhowayd caalamka ugu baaqday inay u midoobaan la dagaallanka argagixisada caalamiga ah, ka gadaal markii ay kooxda Al-Shabaab ay 26 qofood ku disey weerar ay ku qaadday hoteel ay dad rayid ahi joogeen oo ku yaalla magaalo maarsada Kismaayo, koonfurta Somalia.

Monica Juma, Wasiirad Dibadeedka Kenya ayaa beesha caalamka ku boorrisey in kooxda Al-Shabab lagu daro liiska madoow sida uu qabo qaraarka Golaha Amaanka QM ee 1267, si kooxdan wax looga qabto.

“Sheegashada Al Shabaab ee weerarkan waxay markale na xusuusinaysaa sida ay muhim u tahay in beesha caalamku kooxdan ku darto liiska kooxaha argagixisada, si qaab wadareed loola dagaallamo afcaasha iyo aragtida ururkan,” ayuu ku tiri tweet ay soo qortay.

“Waxaan tacsi qoto dheer u dirayaa eheladii iyo asxaabtii dadkii ku le’day weerarkii argagixiso ee shalay ka dhacay Kismaayo, Somalia,” ayay tiri Juma.

MW Jubbaland, Ahmed Mohamed Madobe, ayaa horay u sheegay in dadka dhintay weerarka Hoteel Cascaseey ay ku jireen 10 shisheeye ah ama baasaboorradooda haysta sida Kenyan, Canadian, American iyo Tanzanian.

Hadalsame Media