Xog dheeraad ah oo kasoo baxaysa qofka ku dhintay qaraxii Dhuusamareeb

0

(Dhuusamareeb) 14 Luulyo 2019 – Warar cusub ayaa naga soo gaaraya wiil markii hore la sheegay inuu ahaa ninkii is qarxiyay, balse gadaal laga ogaadey inuu yahay dhibbane qaraxa ku dhintay.

Willkaa saakay lagu sheegay inuu isku qarxiyay Dhuusomareeb magaciisa waxaa la yiraa Maxamed Cabdi Tariig wuxuuna ka tirsanaa Ciidamada Booliska ee magaalada.

Marxuum Tariig ayaa la sheegay inuu xilligii qaraxu dhacayay ku sugnaa goobta qaraxa la dhigay isagoo isla goobta ku naf waayay, sida uu noo xaqiiiyay weriye Cabdifitaax Maxamed Cilmi.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan iyo mid kale oo la fashiliyay.

Waxaa Diyaariyay: Abdikadir Aqaasim

Hadalsame Media