Seddax nin oo saaka lagu fuliyay dil toogasho ah (Sabab?)

0

(Muqdisho) 10 Luulyo 2019 – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay saddexda nin oo loo heystay weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho sanadkii 2017-kii.

Saddexda nin ee saaka lagu qaaday xukun ay horay ugu riddey Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa kala ahaa: Farxaan Maxamed Samatar, C/naasir Dhaqane iyo Abshir Maxamed Xaaji.

Dembiilayaashan ayaa ku eedaysnaa in ay fuliyeen weerarkii Hotel Naasahablood 2 lagu qaaday 28-kii October 2017-kii, xilligaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 qof oo rayid aan waxba galabsanin u badnaa.

Raggan ayaa saaka ugu dambayn lagu fuliyay xukunka ay ku riddey Maxkamaddu, iyagoo lagu toogtey barxadda Iskuulka Booliiska.

Hadalsame Media