XOG: Puntland oo la sheegay inay diiddan tahay isu soo bax Khayrre loogu samayn lahaa woqooyiga Gaalkacyo

0

(Gaalkacyo) 09 Luulyo 2019 – RW DF Somalia oo muddaba ku sugan degaanno ka tirsan maamulka Galmudug, Somalia ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu wada booqdo dadka reer Gaalkacyo.

RW Khayrre ayaa doonaya inuu gaaro dhanka woqooyi ee magaalada oo hoostagta maamulka Puntland.

Dood ayaase ka taagan booqashadaas la qorshaynayo in waqooyiga magaalada Gaalkacyo uu ku yimaado Ra’iisul-Wasaaraha Soomaaliya, taasoo ku aaddan qaabka loo soo dhawaynayo, Xassan Cali Kheyrre, waxaana lagu kala kacay kulamo dhacay, sida uu sheegayo weriye Siciid Nadaara oo ku sugan Gaalkacyo.

Ra’iisul-Wasaaraha Soomaaliya ayaa doonaya in uu meel faagara ah bulshada kula hadlo, balse Puntland ayaa la sheegay inay doonayso in aan isu soo baxyo waawayn loo samaynin Khayrre, ha yeeshee taa biddaalkeeda soo dhawayntiisa loo daayo Wasiirro Xukumadu soo dirtay oo Gaalkacyo soo gaaray.

Hadalsame Media