”Abiy Ahmed ayaa u kala dab qaadaya Somalia & Kenya!” – East African

0

(Nairobi) 10 Luulyo 2019 – RW Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ergo u kala diray Kenya iyo Somalia si loo xalliyo muranka ay Kenya horseedka ka tahay ee ay ku damaacinayso biyaha Somalia iyo dhul badeed ay ku fadhiyaan, si buu yiri aan looga darin amaanka xasaasiga ah ee Geeska Afrika, wargayska The East Afican oo warkan qoray.

sid seeking to have their maritime border dispute resolved without worsening flagile diplomatic ties in the Horn of Africa.

Magaalooyinka Nairobi iyo Mogadishu ayaa waxaa kasoo baxaya warar sheegaya in Abiy oo haatan haya xilka meertada ah ee IGAD uu diyaariyay kulan dhacaya 13-ka bishan Luulyo oo dhexsanaya MW Maxamed Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Yeelkeede, madaxtooyada labada dal ayaan weli warkaa xaqiijinin, iyadoo weliba ay shalay Madaxtooyada Somalia sheegtay inaysan marnaba gorgortan ka geli doonin kiiska dacwadda badda oo haatan hor yaalla Maxkamadda ICJ oo ay Somalia gaysey 2014-kii, waloow aanay Kenya arrintaa ku qanacsanayn.

9-ka Sebtembar ayaa lagu wadaa in dacwadda ugu dambaysa la dhegeysto, iyadoo kaddib la filayo inuu go’aanku soo boxo.

DF Somalia ayaa iyadu ogol in la caadiyeeyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, tiiyoo arrinta dhul badeedka loo daynayo go’aanka ICJ.

Hadalsame Media