DF Somalia oo ka hadashay warar sheegaya inay xeer-jajab ka geleeyso arrimaha badda

0

(Muqdisho) 09 Luulyo 2019 – Waxaa ilaa shalay baraha bulshada wareegaalaysanaya warar sheegaya in DF Somalia ay kasoo dabacdey mowqifkeedii hore oo ay iminka diyaar u tahay inay la xaajooto dowladda Kenya, si xeer jajab loogu dhameeyo doodda ay Kenya oogayso ee ku aaddan dhul-badeedka Somalia.

Haddaba, waxaa haatan arrintaa ka hadlay isla markaana beenisey Madaxtooyada DF Somalia oo waxba kama jiraan ku tilmaantay wararkaasi.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Villa Somalia Cabdinuur Maxamed ayaa soo qoray sidatan: ”Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.”

”Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan been abuurka ah.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media ayaa warkiisii shalay horay ugu sheegay xog hordhac ahayd oo aannu arrintan ka helnay.

Hadalsame Media