Arooskii SANADKA oo ka dhacay magaalada Kampala + Sawirro

0

(Kampala) 08 Luulyo 2019 – Jacaylku malaha shuruudo hordhac ah oo ka horreeya ama sababo gaar ah oo jireed, balse waa sheey ruuxi ah oo run ah kana qoto dheer inta uu garan karo indha ku garaadluhu, waase marka uu yahay jacayl dhab ah.

Waxaa maanta baraha bulshada haysta arooska iyo aroosadda kala ah: Caruuska Cali Yare Cabdiwahaab Aadan iyo qalanjadiisa Fahmo Cabdullaahi oo uu arooskoodu ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda.

Arooskan ayaa shacbiyad wayn ku dhex yeeshay bahda Soomaaliyeed ee baraha bulshada oo labadan lamaane ee cusub u rajeeyay inay bullaalaan oo barakoobaan.

Bahda Hadalsame Media waxay iyaduna hambalyo u diraysaa labadaa caruus ee is calmaday oo ay Caadil uga baryayaan carruur, caano iyo cood badan. Aamiin.

Hadalsame Media