RASMI: Weriye Coldoon oo xukun lagu ridey (Eedaha lagu oogey)

0

(Hargaysa) 08 Luulyo 2019 – Waxaa maanta la ridey xukun indhaha lagu wada hayey oo ku dhacay gayfanaha Soomaaliyeed ee u dhaqdhaqaaqa xorriyadda hadalka iyo samafalka.

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo maalmihiii u danbeeyay uu ka socday siiska weriyaha C/maalik Muuse Coldoon ayaa naanta waxay ku dhawaaqday xukunkii kama dambaysta ahaa.

Coldoon oo ku eedaysnaa dhowr xisaab dembi ayaa lagu xukumay 3 sano iyo 6 bilood, lama oga inuu rafcaan qaadan doono, inuu qarreen dhab ah helay iyo in uu xukunkani wax sharci ah waafaqsan yahay.

EEDAHA COLDOON LAGU OOGEY!

“Taliskani tubtii buu hayaa talisyadii hoogay!”
“Taliska Muuse Biixi waa Taliskii Cabdi Ilay oo soo koraya!”

“Dugsiga Abaarso waxaa ardayda lagu baraa isu galmoodka dadka isku jinsiga ah iyo in dugsigaasi lagu barto diin aan ahayn tan Islaamka!”

Waxaa wararkan oo loo qoray sidii koontooyin dembi oo kala nooc ah lagu soo daray qodobbo la sheegay inuu jebiyay, balse aan la sharrixin sida ay arrintan dembi uga dhigayaan, kuwaasoo oo kala ah Qodobbada 44-aad, 45-aad 61XCG.

Waxaa sidoo kale lasoo bandhigay ilaa 13 qofood oo la sheegay inay ku marag furayaan eedaysane Coldoon oo magacyadooda lagu xusay qoraalka.

Maamulka Somaliland ayaa lagu eedeeyaa inuu gacan adag oo aan sharci ahayn kula dhaqmo Xoriyadda Hadalka oo ka mid waxyaabaha asaasiga u ah madax bannaanida umadda.

Hadalsame Media