Beesha Caalamka oo ka hadashay sida ay u aragto isbedellada ka socda Galmudug

0

(Muqdisho) 04 Luulyo 2019 – Dowladaha France, Finland, Denmark, Germany, Italy, Poland, Netherland, Norway, Sweden, Switzerland, Turkiga, Ingiriiska, Maraykanka, howlgalka AMISOM, Midowga Yurub Urur Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada Soomaaliya, ayaa waxay si wada jir ah usoo dhoweeyeen wada hadallada Galmudug ka socda iyo isu dumidda Garabyada siyaasadda ee ay hormuudka ka tahay Dowladda Federaalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM , ayaa lagu sheegay in ay daneeyayaasha iyo saaxiibada Soomaaliya ammaanayaan wada-hadallada ka socda Galmudug, si ay u midoobaan Garabyada, korna loogu qaado xasilloonida degaannadaas, taas oo wax tar u leh Dadka halkaa ku dhaqan iyo guud ahaan Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu faray in dhammaan daneeyayaasha Soomaaliya ay sii wadaan dedaalkooda iyo in ay Galmudug kusoo dabbaalaan dib u heshiisiin ballaaran oo loo dhan yahay, taas oo horseedi karta doorasho hufan oo caddaalad ah, kana soo baxaan hoggaan cusub , si aan dhibaato lahayn.

Isha/UNSOM

Hadalsame Media