Waxaa lagu caayay inuu JAAHIL yahay, balse waa ninka QORAY kutub fara badan oo aad akhrisato!

0

(Hadalsame) 04 Luulyo 2019 – Wiil la oran jirey Khaalid ibn Cabdullaahi ayaa ka shaqayn jirey masjidka Al-Azhar qarnigii sagaalaad ee Islaamka. Shaqadiisu waxay ahayd inuu shido faynuusyada masjidka lagu iftiimiyo.

Markuu gaaray 36 sano, ayaa habeen isagoo shidaya faynuus waxaa ka soo dhacay dhinbil dab ah waxayna gubtay warqado hoos yaalley. Ardaygii lahaa waraaqaha ayaa xanaaqay oo ku caayey Khaalid in uu yahay qof jaahil ah oo haddii uu aqoon lahaa qiimaha cilmiga uu ka ilaalin lahaa dabka.

Khaalid hadalkaas waa ka xanuunsaday. Wuxuu go’aansaday inuu cilmiga barto. Muddo ka dib wuxuu noqday shiikh weyn oo loo soo raadsado cilmiga Naxwaha Carabiga. Markuu geeriyooday isagoo xajka ka soo noqday oo 76 jir ah wuxuu ka tegey dhaxal cilmi ah oo ay ka mid yihiin kutubtan hoose:

«الألغاز النحوية» (مطبوع، فرغ من تأليفه يوم عرفة سنة 896).
«التصريح بمضمون التوضيح».
«تمرين الطلاب في صناعة الإعراب» (فرغ من تأليفه سنة 886، يُسَمَّى أيضًا “التركيب” و”إعراب ألفية ابن مالك”).
«الزبدة في شرح البردة».

«شرح الآجرومية».
«المقدمة الأزهرية في علم العربية».
«شرح المقدمة الأزهرية في علم العربية».
«موصل الطلاب إلى قواعد الإعراب» (يشرح كتاب “الإعراب عن قواعد الإعراب” لابن هشام الأنصاري).
«إعراب الآجرومية».
«إعراب الكافية».

«تفسير آية: لا أُقْسِمُ بِمَوَاقِعِ النُّجُومِ».
«الحواشي الأزهرية في حل ألفاظ المقدمة الجزرية» (في التجويد، فرغ من تأليفها سنة 867).
«القول السامي على كلام عبد الرحمن الجامي» (تعليق على كتاب “الفوائد الضيائية” لعبد الرحمن الجامي).
«مختصر الزبدة في شرح البردة».

Waxaa Diyaariyay: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media