Wiil uu dhalay siyaasi Imaaraati ah oo geeriyoodey isagoo ”faraha foolxumo kula jira” + Sawirro

0

(London) 03 Luulyo 2019 – Wiilka Amiirka awood badan oo xukuma Shaariqah oo ka mid ka mid ah Imaaraadaha Carabta ayaa shalay si faj’o ah ugu geeriyoodey magaalada London isagoo 39-jir, iyadoo lagu aasay isla magaaladaasi.

Kumanaan qofood oo baroor diiqaya ayaa iskugu yimid janaasada wiilkan Sheikh Khalid bin Sultan Al Qasimi, oo sidoo kale lahaa sharkad ka shaqaysa xarragada oo la yiraahdo Qasimi Homme, wuxuuna aabbihii Sheikh Dr Sultan bin Muhammad Al Qasimi uu dul istaagey maydka wiilkiisa isagoo indhaha isku haya markii lagula dukanayay masjidka King Faisal Mosque.

SABABTA GEERIDA?

Wiilka ayaa la sheegay inuu geeriyoodey xilli uu ku tumanayay guri qaali ah oo ku yaalla magaalada London waxaana la sheegay in markii maydkiisa la baaray laga helay daroogo fara badan, sida uu qoray The Sun.

Ilo goobta ku sugnaa oo aan isi sheegin ayaa wargayska ku yiri: ”Waxaa soconayay xafladayn halkaasoo uu ka soconayay dhi””’si wadareed, khamro iyo daroogo cabis.

Waxaa la sheegay in Sheikh Khalid uu si faj’o ah u dhintay kaddib markii uu daroogo heerka 1-aad ah ka dhergey, waxaana dadkii u dhowaa iyo shaqaalihii lagu amray inay arrintan ka gaabsadaan oo ka aamusaan.

Waxaa la sheegay inuu Khaalid oo London wax ku bartay kuna noolaa ilaa markii uu 12-jir ahaa uu guri qaali ah ka degganaa xaafadda dadka tadha’ey ee Knightsbridge, taasoo halkii falaat lagu iibiyo £90 milyan oo gini.

Waxaa Sheekha ka taliya Imaaradda Shaariqah oo ah mid woxoogaa ka muxaafidsan gobollada kale ee Imaaraadka sidii daad loogu fatahey dhambaallo tacsi ah, iyadoo 3 maalmood hoos loo dhigay calanka dalkaasi, iyadoo lagu dhawaaqay baroordiiq qaran. Odayga Amiirka ah ayaa 1999-kii waxaa horay uga dhintay wiil 24-jir ahaa.

Halkan ka daawo sawirrada…

Hadalsame Media