DHEGEYSO: Ciidamada KDF oo la sheegay inay Soomaalida NFD u gaystaan tacaddiyo baahsan

0

(Gaarisa) 03 Luulyo 2019 – Hoggaamiyaasha Soomaaliyeed ee laga soo doortay maamulka Gaarisa ee Waqooyi Bari, Kenya ayaa cabasho ka muujiyay xadgudubyo ay sheegeen in ay dadkaasi Soomaalida ihi kala kulmaan Ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa KDF ee ku sugan xuduudda Kenya iyo Somalia oo tacaddiyo u gaysta shacabka gobalka NFD.

Dhacdadii ugu dambaysay ee ay ciidamadaasi gaystaan waa inay qabsadeen islamarkaana muddo uu sabab muuqata oo sharci ah la’aanteed ugu xirnaa qof ka mid ah dadka deegaanka, kaasoo ay weliba jirdil xooggan ku sameeyeen.

Ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa millateriga ah ayaa sidoo kale tacaddiyo u gaysta Soomaalida Somalia ee ku nool dhanka kale ee xad beenaadka kala qaybiya Somalia iyo Soomaalida NFD, iyagoo horay u gubey anteenooyinka shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud.

Hoos ka dhegeyso warbixin moowduucan ku saabsan oo uu magaalada Gaarisa ka soo diray Maxamed Faarax Shire oo ka tirsan VOA.

Hadalsame Media