XEELAD CUSUB: ”Ka baxa DACWADDA ICJ!” – Dowladda Kenya oo lagu dacweeyay Maxkamadda Sare ee Kenya!

0

(Nairobi) 29 Juun 2019 – Labaatan codsade oo sharci yaqaanno ah ayaa Maxkamadda Sare ee Kenya hor geeyay dacwad ka dhan dowladda Kenya oo ay doonayaan inay ku ”khasbaan” inay ka baxdo dacwadda hor taalla Maxkamadda ICJ.

Kenya ayaa waxaa maxkamaddaa ku dacweeyay Somalia bishii Agoosto 2014 si meel looga saaro Kenya oo ku haysata dhul badeed dhan 62,000 mayl oo laba jibbaaran oo ah seddex xagal ay saliid badani ceegaagto oo ku yaalla Badwaynta Hindiya.

Qarreenadan oo ay hoggaaminayso hay’adda arrimaha sharciga ee Kinoti and Kibe Advocates, ayaa u sheegay Maxkamadda Sare in Maxkamadda la dhegeysan doono Sebtembar 9 ay beddeli karto xuduudaha dalka, taasoo ka hor jeedda dastuurka Kenya. Waxay dacwadda galeeyeen Khamiistii.

Waxay sheegeen in beddel kasta oo ku dhacaya geyiga Kenya uu u baahan yahay afti qaran sida uu qabo Qodobka 255-aad ee dastuurka dalkaasi.

Waxay kaloo ku doodayaan in Qodobka 2-aad ee dastuurka Kenya uu burrinayo wax kasta oo aan la jaanqaadaynin ama waafaqaynin isaga, iyagoo doonaya inay taa u tarjumaan inaysan ICJ xugmin karin, waloow ay saxiixeen heshiiska caalamiga ah taasoo ku waajibinaysa inay waafaqaan.

ICJ ayaa Talaadadii soo saartay jadwalka cusub ee dacwadda hor taalla, waxayna labada dal ee Somalia iyo Kenya ay dacwadohoodii ugu dambeeyay gudbiyeen Juun 18 iyo Diseembar 18, 2018, sida ay u kala horreeyaan.

Hadalsame Media