Maxamed Qanyare oo ku geeriyoodey magaalada Muqdisho

0

(Muqdisho) 29 Juun 2019 – Waxaa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Qanyare Afrax oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii KMG ee dalka iyo jabhaddii USC.

Waxaa geerida Maxamed Qanyare xaqiijiyey wiilkiisa oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Dhexe ee Federaalka ah ee Somalia, Cabdiweli Maxamed Qanyare.

Marxuumka Qanyare ayaa sanadihii dambe iska jilicsanaa, wuxuuna maalmihii tegey uu isagoo xanuunsan ku jirey Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Maxamed Qanyare Afrax oo sanadihii dambe ahaa xildhibaan firfircoon oo ku jirey Baarlamanka dhexe ayaa xilal kala geddisan oo heer wasiir u badan kasoo qabtay dowladihii dalka ka curtay wixii ka dambeeyay 1991-kii, isagoo kahorna askari markii dambe fallaagoobey ka ahaa dowladdii caskariga ahayd.

Qanyare oo xukumi jirey dhul wayn oo ka tirsan Muqdisho ayaa sidoo kale ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii dalka soo maray, isagoo hoggaaminayey dagaalkii lala galay Maxkamadihii Islaamiga ah oo markii dambe kala jabay oo ay Shabaab ka mid ahaayeen.

Waxyaabaha Qanyare caanka ku ahaa waxaa ka mid ah in uu ahaa siyaasi codkar ah oo hal adag, isagoo ahaa hoggaamiye kooxeedka qura ee aan wax xiriir ah la lahaan jirin Itoobiya.

Marxuumka ayaa xilligaasi heystay dhinaca degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Allaha u naxariisto.

Hadalsame Media