Masjidkii ugu horreeyay ee Yurub laga dhiso oo la helay!

0

(Madrid) 28 Juun 2019 – Culumo bartay raadadkii hore oo ka tirsan qaybta Harvard ugu qaybsan raadadka iyo taariikhda ayaa la sheegay in ay Reccopolis oo Spain ah ka heleen ‘masjidka ugu qadiimisan” qaaradda Yurub, kaasoo la dhisay qarnigii 9-aad.

Masjidkan ayaa ku yaalla magaalada qadiimiga ah ee Visigothian oo ku taalla meel u dhow caasimadda Spain-ta casrigan ee Madrid, sida ay sheegeen dadka baaraya.

Haddii la xaqiijiyo in gurigan dhulka laga soo saaray uu masjid yahay, wuxuu noqonayaa masjidkii ugu horreeyay ee Yurub, oo ah qaarad Masiixi u badan yahay, laga dhisay.

Wixii ka bilowda qarnigii 8-aad, waxaa jasiirad u ekaha Iberia oo ah halka ay maanta ku yaallaan Spain iyo Portugal, ka talin jirey boqortooyooyin Muslim ah, ilaa 1492-kii oo uu ka adkaaday dhaqdhaqaaqii Catholic Reconquista (Dib u qabsiga) kaasoo ka guulaystey boqortooyadii Nasrid Kingdom oo saldiggeedu ahaa magaalada Granada, iyagoo halkaa ku laayay kumanaan u badnaa Muslim iyo Yuhuud.

Nin Muslim ah iyo nin Masiixi ah oo Shataranji wada ciyaaraya, waa Spain oo uu Muslimku xukumo 1285. Waxaa laga soo qaatay buugga Games of Alfonso X.

Hadalsame Media