DAAWO: Kenya oo maalin qura marna Somaliland ”dal” ku tilmaantay marna sheegtay inaysan aqoonsanayn!

0

(Nairobi) 28 Juun 2019 – Waxaa shalaytoole soo baxay warka kulan dhex maray Wasiir Dibadeedka Somaliland iyo sarkaal ka tirsan Wasaarad Dibadeedka dalka Kenya, kaasoo ka dhacay Nairobi.

Yeelkeede, fariin markaa kaddib lasoo dhigay Twitter-ka ayaa lagu yiri: “Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya Mr Kamau ayaa galabta wadahadallo la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Md Yaasiin Xaaji Maxamed, waxayna ka wada hadleen danaha ka dhexeeya ”labada dal” iyo sidii loo xoojin lahaa”.

Yeelkeede, waxaa arrintaa oo aad loogu falanqeeyay baraha bulshada su’aal ahaan loo hordhigay Wasiirad Dibadeedka Kenya Monica Juma si loo ogaado moowqifkooda ku aaddan aqoonsiga Somaliland.

“Moowqifka Kenya ee Somaliland waa kan Midowga Afrika uu ka taagan yahay, sida ku xusan go’aankii Midowga Afrika ee 1964-kii”. ayay tiri Juma oo dhanka kale sheegtay inay la macaamilayaan cid kasta, waloow aysan dal ahaan u aqoonsanayn.

Kenya ayaa ”la macaamilka” ay sheegayso ee Somaliland u adeegsanaysa ku cadaadinta Somalia, iyadoo hollinaysa inay ka dhex kalluumaysato aragti la’aanta siyaasadda Soomaalida, maadaama aanu aqoonsi Kenya wax badan ku kordhinaynin Somaliland, marka la eego wadciga Kenya gudeheedana aysanba dhici karin inay Kenya tillaabadaa ku dhaqaaqdo cawaaqibka uga imanaya oo wayn darteed, maadaama ay ka kooban tahay qoowmiyado is diiddan.

Hadalsame Media