Daraasad cusub oo muujinaysa dad badan oo diinta uga tegaya kooxaha xag-jirka ah dartood + Sawirro

0

(Bariga Dhexe) 26 Juun 2019 – Warsidaha midigta u janjeera ee Daily Mail ayaa qoray daraasad uu daabacay ku sheegay inay dad badan oo ku nool dunida Carabtu diinta kasii fogaanayaan isagoo sabab uga dhigay nacayb ay dadka geliyeen kooxaha xag-jirka ah, sida uu sheegay inay daraasaddu muujinayso.

Dadka sheegtay inaysan ‘ahlu diin ahayn’ ayaa 6-dii sanadood ee tegey oo qura ka kordhay 8% haatanna ah 13%, kaddib sahan cilmiyeed uu sameeyay Arab Barometer oo qiimeeyay Woqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe.

Wuxuu wargaysku qorayaa in kororkani sababsanayo kaddib kacdoonkii Guga Carbeed oo ka dhacay dalal ay ka mid yihiin  Tunisia, Libya, Suuriya iyo Egypt iyo soo if bixii kooxo xag-jir ah oo aan heshiis ahayn oo talada isku qabsaday, kaddib markii la ridey kali talisyadii cilmaamiga ahaa ama la doonay in la rido.

Waxaa ugu naxdin badan sawirka askari Afghani ah oo qori ku ilaalinaya dad jamaaco ah oo salaad dukanaya kuwaasoo ay marar badan dhacday in iyagoo dukanaya la isku qarxiyay, waana arrin diinta ka cayrin karta dad badan oo uu iimaankoodu daciif yahay ama aan aqoon badan u lahayn diinta Islaamka.

Marar badan ayaa kooxaha diinta lala xiriirinayo ee ka dagaallama dalal badan oo Muslim ah lagu waaniyay inay bedelaan istaraatijiyadaha ay isticmaalaan oo aan dhib maahane dheef u kordhinaynin Muslimiinta iyo guud ahaanba diinta Islaamka.

Yeelkeede, saas oo ay tahay misna Diinta Islaamku waa diinta ugu kororka badan dunida maanta.

Askari Afghani ah oo qori ku ilaalinaya dad jamaaco ah oo salaad dukanaya

Hadalsame Media