”WAA I DILI RABAAN!” – Madaxwayne Xigeenka Kenya oo ilaalo dheeraad ah lagu biiriyay (Wasiirro shir qarsoodi ah yeeshay oo la baarayo)

0

(Nairobi) 26 Juun 2019 – Waxaa sare loo qaaday amaanka Madaxwayne Xigeenka Kenya ee William Ruto kaddib markii ay soo bexeen warar sheegaya in dilkiisa la qorsheeynayo.

Sida uu dhigayo warsidaha The Standard, MW Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay inuu amray in saraakiil dheeraad ah lagu kordhiyo askarta ilaalinaysa amaankiisa, si looga gaashaanto wax kasta oo halis ku ah amaankiisa, haddiiba ay jiraan.

Go’aankan ayaa la sheegay in la gaarey kaddib kulan ka dhacay Madaxtooyada Kenya ee loo yaqaanno State House, Nairobi.

Waxaa kulankaa kasoo qayb galay saraakiil sare oo dhanka amaanka ah sida Wasiirka Gudaha Fred Matiang’i, Taliyaha Guud ee Booliiska Hilary Mutyambai, Maareeyaha Waaxda Dembi Baarista (DCI) George Kinoti, Agaasimaha Guud ee Sirdoonka Qaranka Philip Kameru iyo Xoghayaha Gudaha Karanja Kibicho.

Sida ku qoran The Standard, kulankan deg degta ah ayaa la iskugu yeerey kaddib markii uu MX Ruto uu Kenyatta u sheegay in ay jiraan wasiirro kasoo jeeda Mt Kenya oo u kulmay sidii ay u khaarajin lahaayeen.

Isniintii ayaa wasiirro ay ka mid yihiin Sicily Kariuki, Joe Mucheru iyo Peter Munya ayaa looga yeerey xarunta Waaxda Dembi Baarista dalkaasi ee DCI kaddb markii uu dacwo ashtako ah uu ka gudbiyay Dr Ruto.

Dr Ruto ayaa sheegay in wasiirradani ay shirka ku yeesheen dabaqa aasan ee hoteelka La Mada Hotel, isagoo madaxa Dembi Baarista George Kinoti ka codsaday in la daawado kaamirooyinka CCTV si loo ogaado waxa ay ka qabanayeen garaashka hoose (basement).

Sarkaal ka tirsan kaaliyayaasha Ruto ayaa xitaa sheegay inay hayaan cod muujinaya wixii laga sheekaystay.

Wasiiirrada Sicily Kariuki (Caafimaadka) Joe Mucheru (ICT) iyo Peter Munya (Wershadaynta) oo shir jaraa’id ku qabanaya barxadda xarunta Dembi Baarista DCI ee jidka Kiambu Road.

Hadalsame Media