Madaxwaynihii Maamulka Amxaarada oo geeridiisa la xaqiijiyay & wararkii ugu dambeeyay!

0

(Bahir Dar) 23 Juun 2019 – Kaddib markii ay ciidamada DF Itoobiya ku guulaysteen inay fashiliyaan afgembi ka dhacay Gobolka Amxaarada, sida uu sheegay RW Abiy Ahmed waxaa haatan soo baxaya warar xaqiijinaya dilkii la hadal hayey ee Madaxwaynihii maamul-goboleedka Amxaarada.

Afgembiga oo ka dhacay magaalada Bahir Dar, oo ah caasimadda Amhara state, ayaa lagu weeraray Madaxwaynihii gobolkaasi, Ambachew Mekonen, iyo la taliyihiisa, sida ay xaqiijinayso warbaahinta dowladda Itoobiya.

RW Abiy ayaa sheegay in ay ciidamo dheeraad ah u direen Gobolka Amxaarada, balse halkaa lagu toogtey Abaanduulkii ciidamada oo ay dileen qaar ka tirsan askartiisu, waloow aan la sheegin inuu geeriyoodey iyo in kale.

RW Abiy ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan dhaawacyo iyo dhimashooyin kale, balse ma carrabaabin mana bixinin tafaasiil intaa dhaafsiisan.

Xaaladda Addis Ababa ayaa haatan kacsan iyadoo la jaray isgaarsiintii bulshada, ciidamana la dhigay meelo badan.

Hadalsame Media