”Inta Somalia dunsan tahay waxay dani ku jirtaa isku haynta Itoobiya ay Oromadu ka taliso” – Faallo fogaan arag ah

0

(Addis Ababa) 23 Juun 2019 – Ciidamo qolada Amxaarada ah baa is ku dayay in ay afgembiyaan maamul goboleedkooda. Xalay fiidkii ayay xafiiskiisa caasimadda Baxar Daar ku weerareen madaxii maamul goboleedka Ambachew Mekonnen, wax ayna ku guulaysteen in ay khaarajiyaan isaga iyo masuul kale. Is la daqiiqaddaa fal kaa hore ku lammaan waxaa Addis Ababa la gu toogtay taliyihii ciidamada Federaalka Xabashida Seare Mekonnen, waxaana dilkiisa loo adeegsaday dad ehelkiisa ah, kuwaas oo imika dawladdu gacanta ku hayso.

Weli xaaladdu ma deggana, dalka oo dhanna dawladdu adeegga internet-ka waa ay xidhay. Raysalwasaare Abiy Axmed wax uu si rasmi ah u sheegay falkaasi in uu ahaa iskuday afgembi sharci darro ah maamulka gobolka Amxaarada, uuna fashilmay.

Haddaba haddii aynnu faallaynno dhacdadan, waxaa muuqata ciidanka falka ku kacay, oo ka turjumaya inta badan dareenka qolada Amxaaradu, in uu quus ka joogo in uu afgembi ku qabsado dawladda dhexe, sida uu jeclaan lahaa. Taasina ay gayaysiisay in ay is ku dayaan in ay maamulka gobolkooda afgembiyaan dabadeed ku dhawaaqaan goosasho ama u gu yaraan ku gorgortamaan.

Fashilkan marka la gu daro dhaqdhaqaaqyada guuldarraystay ee Tigreegu muddaba gobolkooda ka wadeen waxaa muuqata Abiy Axmed iyo maamulkiisa dhexe in ay cago adag ku taagan yihiin. Waxaa se iyaduna xaqiiqo ah arrimaha Itoobbiya in ay qeedhin yihiin oo marayaan marxalad aad xasaasi u ah, taas oo wax kasta la ga filan karo.

Dhaliilaha Abiy Axmed ee wax badan oo lama filaan ah sabab u noqon karaa wax ay yihiin: 1) Wax uu xakamayn kari waayay fadqalallada iyo dagaallada ay isaga qoladiisa Oromo meel walba ka waddo, gaar ahaan degaannada ay Amxaarada iyo Soomaalida wada degaan.

2) Wax uu majaraha u sii daayay oo u seeto dheereeyay awoodaha maamul goboleedyada, siiba dhanka amniga, taas oo cabsi badan iyo damac badan ka dhex abuuraysa dadyowga.

3) Isbeddelka dib u hagaajinta iyo dimuqraadiyaynta dalka ee loo hanka weynaa waa ay jiitantay oo iyada oo aan wax badan la qaban baa xiisihii ka sii lumayaa.

Soomaalida mar hore iyo imikaba waxaa ku waajib ah in ay hiil iyo hooba is la garab taagto Abiy Axmed, si loo ga hortago in mar dambe la gu dhaco gumaysigii masiixiga Amxaarada iyo Tigreega. Waxaa kale oo habboon Soomaalidu in ay ka shaqayso is ku haynta Itoobbiyada inta Oromadu gacan sarrayso Soomaaliyana dunsan tahay.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media