Turkiga oo sheegay sabab la yaab leh oo uusan Maraykanku ugu diidi karin dayuuradaha F-35 (Waayo?)

0

(Ankara) 22 Juun 2019 – Turkiga ayaa sheegay in aanu Maraykanku awood u lahayn inuu Turkiga ka tuuro ka mid ahaanshiyaha dalalka jaalka ku barnaamijka dayuuradaha F-35 ee uu Maraykanku sameeyo, maadaama ay taasi kasoo horjeeddo tibxaha heshiiska.

Barnaamijka jaalnimada F-35 ayaa waxaa ku wada jira 9 dal oo uu Turkigu ka mid yahay, mana jiro dal uu heshiisku xaq u siinayo inuu mid kale ka saaro, sida uu sheegay Madaxwaynaha Wershadaha Turkiga ee sameeya agabka ciidan, jaalle Ismail Demir oo la hadlayey Reuters.

“Taasi ka mid maaha heshiiska. Ma jiro meel ay ku qoran tahay inuu dalna kaligii heshiiska baabi’in karon.” ayuu ku dooday Ismaaciil Demir.

”Wadanna kaligii iskama dhihi karo ”KUUMA BAAHNI” ee kadDib barnaamijka kama tuuri karo ciddii uu doono.” ayuu yiri.

Maraykanka ayaa horay u sheegay in haddii uu Turkigu kusii dhega adaygo iibsiga gantaalaha istaraatijiga ah ee S-400, oo lagu wado in horraanta Luulyo loosoo daabulo, aan laga iibin doonin dayuuradaha casriga ah ee F-35 oo ay samayso Lockead Martin oo ah sharikad Maraykan ah.

Dalalka heshiiskan qaybta ka ah waaa Maraykanka, Britain, Netherlands, Turkey, Australia, Canada, Denmark, Italy iyo Norway.

Hadalsame Media