DEG DEG: Iiraan oo khaarajisey sarkaal sare oo ka tirsanaa Wasaaradda Gaashaandhigga (Sababta)

0

(Tehraan) 22 Juun 2019 – Dowladda Iiraan ayaa dishey sarkaal hore oo ka tirsanaa Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi oo ku eedaysnaa inuu u basaasayey Maraykanka.

Jalal Hajizavar, oo ka tirsanaa waaxda cirka ee Gaashaandhigga, ayaa toogasho lagu xukumay ka gadaal markii lagu helay inuu si qarsoodi ah wargeliye ugu ahaa CIA, sida ay werinayso wakaaladda IRIB.

Maxkamad ciidan ayaa deeto la saaray, taasoo xukunka dilka ah ku riddey, iyadoo cuskanaysa caddaymo gurigiisa laga helay oo iskugu jira dokumentiyo iyo agab wax lagu basaaso oo gurigiisa yaalley.

Ninkan ayaa lagu toogtey xabsiga Rajai Shahr ee Karaj, galbeedka Tehran, balse lama sheegin goorta la qabtay, waloow qandaraaskii uu kula jirey Gaashaandhigga la baabi’iyey sanadka Beershiyaanku markii uu ahaa 1389-kii (2010).

Xaaskiisii hore ayaa la sheegay inay iyaduna ‘ku lug yeelatay basaasnimo’ taasoo iyadana lagu xukumay 15 sano oo xarig ah.

Hadalsame Media