Wefdi ka tirsan DF oo ka degey Galmudug oo in yar kahor mamnuucday wefdiyada ka socda DF + Sawirro

0

(Gaalkacyo) 21 Juun 2019 – Warqad la sheegay inay kasoo baxday dhanka Galmudug ayaa shirkadaha diyaaradaha ee ka howgala deegaanada Galmudug ku amartay in aysan halkaa kasoo dejin karin wefdi ka socda Dowlada Federaalka Somalia.

Ha yeeshee, Garoonka Diyaaradaha OSHACO ayaa waxaa goor dhowayd ka soo degey wefdi uu hogaaminayo Sanator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah Gudoomiyaha dib u eegista Dastuurka Labada aqal ee baarlamaanka Soomaliya.

Wafdiga waxaa ka mid ah xildhibaan Mahad Salad iyo Xildhibaan Warsame Joodax iyo masuuliyiin kale. Masuuliyiinta Gobolka iyo Kan degmada ayaa garoonka ku soo dhaweeyay wefdiga ka socda Baarlamaanka.

Socdaalka masuuliyiintaan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli Galmudug warqad ay soo saartay ay ku sheegtay in garoomada Galmudug aysan ka soo dagi karin masuuliyinta ka socota Dowlada Soomaliya.

Waxaa Diyaariyay: Liibaan Cajiib

Hadalsame Media