”Soomaalidu dagaalka ugama CABSADAAN sida Kenyan-ka balse…” – Daily Nation oo maqaal dheer qoray

0

(Nairobi) 21 Juun 2019 – Qoraa ka tirsan warsidaha Daily Nation oo la yiraahdo ayaa wargayskaasi ku qoray maqaal dheer oo uu cinwaan uga dhigay ”In Somalia ay ku kacayso xatooyo dhuleed.”

Wuxuu tusaale usoo qaatay sheeko ku saabsan wax uu ku sheegay sida uu qabiilkiisu u dhaqmo marka ay qareenno iyo garsoorayaal musuq ihi ay qof dhulkiisa ka xukumaan, kuwaasoo kaddib ninkii dhulka loo xukumay madaxiisa oo kiish ku jira maxkamadda keena.

Ujeedka tusaalahan wuxuu ku miisaalay ama usoo qaatay garsooraha Soomaaliyeed ee madaxwaynaha ka ah Maxkamadda ICJ ee Cabdulqawi Axmed Yuusuf. Wuxuu sheegay in haddii ay Kenya maxkamaddaa u xuguntanto ay la mid tahay oday soddog ah oo lagu yiri adigu go’aami gabaatida gabadha uu wiilkaagu guursan doono.

Wuxuu sheegay in Somalia ay dabada ka riixayaan dalal kale, sida Norway oo uu sheegay inay si qarsoodi ah ”dib ugu calaameeyeen” xad badeedka labada dal.

NIN QOYANI BIYO ISKAMA DHOWRO!

Wuxuu sheegay in Kenyan-ku ay yihiin dad nabad jecel muddo dheerna kusoo caana maalay, halka Somalia aysan nabad aqoonin muddo 30 sano ah, waloow ay nabad jeclaan lahaayeenna aysan dagaalka uga cabsanaynin sida Kenyan-ka.

Wuxuu sheegay inay Somalia tahay dal ku shaqaynaya aragti is ballaarin ah oo la yiraahdo Soomaaliwayn, oo aysan kaliya ku ekaan doonin sheegashada wax uu ku sheegay ”dhulalka Kenya iyo Itoobiya. ”Somalia waa sida qof berrinkiisii oo isku dhex daadsan dhul kale oo dheeraad ah baadi goobaya.” ayuu yiri Mutuma.

Wuxuu ugu dambayn soo jeediyay in Somalia ay kiiska kala soo noqoto maxkamadda si arrintan looga wada xaajoodo, haddii aysan taasi dhicinna wuxuu ku gooddiyey inay madaxyo go’ayaan oo lagu khasban yahay xeerka qabiilkiisa, sida sheekada uu sare ku xusay, isagoo Somalia ku tilmaamay dal ”aan qancayn oo bilaa abaal ah”.

Hadalsame Media