Dalal gaarey go’aan ay Kenya ugu sallaxayaan BADDA Somalia (Doorka DF?)

0

(Balaclava) 21 Juun 2019 – Dowladda Kenya ayaa lagu wareejiyay hoggaanka wax lagu sheegay ”howlgallo ka dhan ah” burcad badeed ka qoowlaysata xeebaha dalka Soomaaliya, sida lagu go’aamiyay shir ka dhacay magaalada Balaclava ee gasiiradda Mauritius.

Kenya ayaa hoggaankan haynaysa muddo 2 sanadood ah oo ka bilaabanaysa bisha Jannaayo ee sanadka soo aaddan ee 2020, waxaana xilkaa hoggaamineed u doortay dalalka la dagaallama burcad badeedda (CGPCS) oo ay ku jiraan kuwa kulaala Badwaynta Hindiya.

“Si loo helo barnaamijyo wax ku ool ah oo lagu ciribtirayo burcad badeeda, hoggaanka Kenya waxaa uu ka shaqeyn doonaa sidii uu sare ugu qaadi lahaa dadaalka uu sameeyay Mauritius iyo dalalkii ka horreeyay si loo ilaaliyo raadadka dhaxalgalka ah ee muujinayo horumarada lagu tallaabsaday” ayay tiri Wasiirka Gaashaandhigga Kenya ee Raychelle Omamo.

Arrintan ayaa ka hor imanaysa danaha qaran ee Somalia, maadaama ay Kenya waddo dood ay ku sheeganayso dhul badeed ay leedahay Somalia, isla markaana ay dooddoodu hor taallo Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.

DF Somalia ayaana looga baahan yahay in ay arrintan ka qaadato tillaabo cad.

Hadalsame Media