SANGUB markii uu tabar dhigay ayaa loo taliyey mana la toosin!!

0

(Hadalsame) 2021 Juun 2019 – Waxaa maanta iilka la seexiyay Allaha u Naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub), kaasoo lagu aasay magaalada Jigjiga ee Deegaanka Soomaalida ee ay Itoobiya maamusho.

Waxaa aaska marxuumka, oo Talaadadii ku dhintay Addis Ababa, ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Somalia, Maamulka Soomaaliland, Xubno ka socda Gobolka Soomaalida iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

WAA LOO TALIYAY, MANA TOOSNAYN

Yeelkeede, dad badan ayaan ku qancin laba arrimood oo kala ah in marka horeba Sangub oo buka la geeyay laguna qalay isbitaal ku yaalla Addis Ababa oo ah dal uu abidkii ka maadanayey iyo laba in abwaanka oo nin qaran ahaa lagu aaso meel aanu tegin intii ay taladu isaga ka go’dey, ee la duugo isagoo uu ka dul babanayo calan Itoobiyaan waa arrin dan looga dhacay.

NIN QARAN BUU AHAA

Maadaama uu Sangub ahaa nin intii uu noolaa waqtigiisa ku qaatay tiirinta iyo tabantaabinta qaran Soomaaliyeed oo ka madax bannaan gumaysi, isla markaana uusan dib ugu noqonin Soomaali galbeed tan iyo maalintii uu kasoo tegey isagoo kuray ah, waxaa KHALAD wayn oo taariikhi ah noqonaya in halkaa loo dhigo mar aanu isagu tiisa ka talin karin.

Sida aan war ku hayno, waxaa abwaanka oo jirradii hore uu jab ula jirey lagu qalay magaalada Addis Ababa, isagoo u dhintay dhaawacii qalliinkaas xilli la heli karey isbitaallo kale.

Waxaa jira warar kasoo baxay dhanka xubno ka tirsan qoyskiisa, kuwaasoo sheegayay inay iyagu u talinayaan maydka Sangub, balse iyadoo ay tahay in la ixtiraamo rabitaanka qoyska, misna marka uu qofku gaari mudnaanta Sangub oo kale, arrintiisu waa mid qaran ee ma aha mid qoys ama qabiil.

Sidaa darteed, DF Somalia si kasta waa ugu khaldantay tillaabooyinka ay qaadday ee kala ah in ay markii hore fasaxdo in Sangub la geeyo Addis iyo inay marka dambe dhaafiyaan in maamuus qaran loogu sameeyo dalkii uu dhidid iyo dhacaanba u huray ee Somalia.

Haa, dabcan Jigjiga waa magaalo Soomaaliyeed, wax xumaan ahna looma hayo, balse Sangub wuu ogaa halka Jigjiga ku taallo iyo inay magaalo Soomaaliyeed tahay, balse wuxuu uga maadanayay inaysan ahayn magaalo ugu dambayn hoos tageeysa talo Soomaaliyi leedahay, marka laga reebo xukun daakhili kooban.

Sangub markii uu tabar dhigay ayaa loo taliyey, lamana toosin taladaasi. Allaha u naxariisto oo ha u nuuriyo iilka.

Tifaftirka Hadalsame Media