Turkiga oo Somalia u diyaariyay ciidamo gaashaaman oo loogu tala galay hal arrin oo MUHIM ah + Sawirro

0

(Ankara) 20 Juun 2019 – Dalka Turkiga oo tan iyo 2011 aad ula socdey arrimaha Somalia ayaa qaaday tillaabooyin dhowr ah oo uu ku taageerayo dib u dhiska hay’aadka iyo kaabayaasha dowladeed ee ku burburay dagaalkii sokeeye ee Somalia.

Sawirradani waa ciidamo gaar ah oo Soomaali ah oo lagu diyaarinayo gudaha Turkiga oo uu haatan usoo dhamaaday tababarkoodu, waxayna awood u leeyihiin inay ka dagaallamaan magaalooyinka iyo kaymaha intaba, iyagoo leh awood ay ku isticmaalaan agabyo kala geddisan iyo gaadiidka gaashaaman.

Ciidamadan ayaa gaar ah loo diyaariyay la dagaallanka argagixisada iyo weerarrada gaarka ah ee sida lama filaanka ah loo fulinayo, waxay kaloo aad ugu xeel dheer yihiin miino saarka iyo fiyuus bixinta qaraxyada.

Waxyaabaha uu Turkigu gacan wayn ka gaysanayo waxaa ka mid ah dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Somalia oo iskugu jira Millateri iyo Booliisba, isagoo maalin dhowayd Xamar ka bilaabay dhismaha wershad farsamayn doonta tuutaha kala duwan ee askarta oo ah kaabe ay aad ugu baahan tahay Somalia.

Waxaa kale oo Muqdisho ka furan xero lagu tababaro ciidamada Somalia oo ku taalla xeebta Jasiira, taasoo ay kasoo qalin jebiyeen dhowr qaybood oo iskugu jira Millateri iyo Booliis uu qalabayn doono.

Hadalsame Media