Jaamacadda Carabta oo Kenya ugu baaqday inay joojiso dulmiga ay ku hayso Somalia (Bayaan)

0

(Qaahira) 20 Juun 2019 – Baarlamanka Jaamacadda Carabta ayaa soo saaray bayaan uu ku taageerayo midnimada gayi ee dalka Somalia iyo inay iyadu mas’uul ka tahay xasilloonideeda iyo karaamadeeda bad, berri iyo cirba.

Waxaa bayaanka ku qoran digniin loo jeedinayo Kenya oo lagu eedeeyay inay sheeganayso biyaha dal Carbeed, iyadoo ku socota aragti aan sharci ahayn oo ay ku faragelinayso arrimaha gudaha Somalia, si ay teeda u gaarto.

Baarlamanka ayaa Kenya ugu baaqay inay ilaaliso deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga ah iyadoo dowladaha Carabta loogu baaqay inay is barbar taagaan dalka Somalia oo bayaankan lagu sheegay inuu marayo marxalad uu kasoo raynayaan amaanka iyo xasilloonidu.

Waxaa sidoo kale lagu baaqay in DF Somalia laga taageero dhanka la dagaallanka kooxda Al Shabaab oo weerarro la beegsatay bartilmaameedyo u badan dhanka shacabka biri ma gaydada ah.

Hadalsame Media