KA FAA’IIDAYSI: Silac aan la malayn karin oo gabdhaha qaxootiga ah ku haysta dalka Lubnaan (Sahan cusub)

0

(Bayruut) 19 Juun 2019 – In ka badan kala bar gabdhaha qaxootiga ah ee ku nool Bayruut ayaa sheegaya in gabdhaha da’dooda ahi ay wajahaan kufsi iyo handadaad ayadoo arrintu si laga naxo caadi isaga noqonayso, cilmi baaris cusub oo ay daaha ka rogtay Plan International ayaa sodaas muuninaysa.

Waxaa lagu saleeyay surveys lagh sameeyay 400 oo gabdhood oo da’doodu u dhaxayso 10 iyo 19 jir warbixintu waxa sheegtay in gabdho qaxootiga ah ee Lubnaan ku nooli ay wajahaan khataro isbarkan. Ku dhawaad 70% gabdhaha survey-ga lagu sameeyay waxa qireen in ay dareemaan nabadgalyo darro haddii ay maalintii magaalada u socdaalaan ayaga oo kaligood ah, halka 90% ay sheegeen in ay haveenkii naftooda u cabsaan.

Gabdhaha hadlay waxa ay sheegeen in nimanka iyo wiilshu guulguulaan ayna eryadaan, qaarkoodna waxa ay ka welwelaan in la afduubto. “Aad ayaan uga cabsannaa in aan kaligeen bannaanka u baxno, mar walba niman khamraysan ayaa inoo hanjaba, xattaa marmarka qaar kuwa aan cabsanayn ayaa ayaa inoo hanjaba,” 18 jir Suuriyaan ah oo ku nool Burj al-Barajneh, Bayruut ayaa sidaas cilmibaarayaasha u sheegtay.

Boqolkiiba 10 gabadhaha survey-ga laga qaaday waxa ay sheegeen in la qabo ama ay doonaan yihiin-waa habdhaqan si xawli ah caadi u noqonaya, sida ay qabto, Plan International. “Gabdhaha qaar waalidkood ayaa iskoolka ka reeba si ay guursadaan. Saaxiibbaday oo dhan waa guursadeen ubad ayayna leeyihiin,” ayay tiri 13 jir Suuriyaan ah oo ku nool Burj al-Barajneh.

Warbixintaan oo hordhac u ah Maalinta Caalamiga ah ee Qaxootiga ee 20-ka Juun, waxa ay uhu baaqsay dawladaha, Qaramada Midoobaw iyo bulshada rayidka ah ee Lubnaan in ay qaadaan tallaabo ay ku difaacayaan gabdhaha qaxootiga ah. Waxaa naadir ah in la maqlo codka gabdhaha sindheerta (teenage) ah, marka xaaladaha bini’aadannimo taagan yihiin dayacaaddani waxa ay noqotaa mid arrinta sii murjisa,” ayuu yiri Colin Lee oo ka mid ah Plan Intetnational.

Guurka gabdhaha yaryari waa sii labakaclaynayaa waayo waalidka gabdhuhu waxa ay u cabsanayaan badbaadada gabdhohooda. Tiro yar oo gabdhaha ah ayaa fursad u hela in ay iskool aadaan sababtaas taas kore la mid ah (plummeting school attendance). Lubnaan waxa ay martigelisay qaxootiha uhu badan dunida celcelis ahaan, taas oo ay ku jiraan 1.5 milyan oo Suuriya ka soo qaxay, iyo Falastiiniyiin dalka joogay tan iyo 1948kii.

Abriil 2019, madaxa UNHCR waxa uu qiyaasay in Bayrtuut kaliya ay joogaan 239,000 qaxooti diiwaan gashan – waa in 11% ka yar shacabka Bayruut. Inkasta oo xaaladdu qallafsan tahay, warbixintu waxa ay xustay in gabdhaha badan oo qaxooti ah ay niyadsan yihiin hammi durugsanna ka leh yihiin mustaqbalkooda. “Muhiimaddu waa in gabdho badan waxbarasho helidda fiiro gaar ah u leh yihiin,” ayuu yiri Lee.

In badan waxa ay rajaynayaan in ay noqdaan qareenno iyo injineerro. “Balse arrinta xiisaha lihi waa in kaliya aysan rumaysnayn in waxbarashadu ay faa’ido u leedahay ayaga kaliya balse waxa ay qabaan in ay tahay jidka kaliya ee ku taageeri karaan adkaysiga bulshadooda.

Yeelkeede, xaadiridda iskoollada ee gabdhaha 14 jirrada ah ama ka wayni aad ayay hoos ugu dhacday. Boqolkiiba siddeetan gabdhaha 10 ilaa 1r jirrada ah si toos ah ayay iskolllada u tagaan mar loo barbardhigo 39% 15 ilaa 19 jirrada. “Waa iska caddahay in gabdhaha sindheerta ahi si gaar ah bannaanyaal u yihiin, balse sidoo kale waxa ay leh yihiin fursado wayn,” sida uu qabo Colin Lee.

Ugaar ah Hadalsame Media

Waxaa Diyaariyay: Cali M Diini

Hadalsame Media