Baro shan astaamood oo uu lahaa Madaxwaynihii lagu tacaddiyay ee Maxamed Mursi

0

(Hadalsame) 19 Juun 2019 – Madaxweynahii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi Alle ha u naxariistee oo 67 jir ahaa ayaa goor dhoweyd geeriyooday, sida ay soo warisay warbaahinta dowladda Masar, geeridiisa ayaa timid, kaddib markii uu ka soo muuqday Maxkamad.

Haddaba wax ka ogow taariikhdiisa dhinaca xukunka intii uu dalka Masar maamulayey.

Madaxweyne Maxamed Mursi waxa uu ahaa madaxweynihii abid ugu horreeyey dalka Masar ee si xor iyo xalaal ah codka muwaadiniinta kursiga ku fuulay, waxa aanu xilka dalkaas qabtay xilli uu soddon sano ka soo talinayey Xusni Mubaarak oo ahaa keli-taliye gacan bir ah dalkaas ku hayey, markii da’diisu weynaatayna bilaabay qorshayaal uu doonayo in uu wiilkiis ku dhaxalsiiyo kursiga madaxweynenimada.

Mursi sidoo kale waa madaxweynihii ugu horreeyey rayid ah, ee hoggaanka dalkaas qabta, iyo madaxweynihii ugu horreeyey ee afkaar Islaamiya qaba. Isla markii uu talada la wareegayna waxaa lagu kiciyey buuq iyo mu’aamarado gudaha dalka iyo dibaddaba laga soo abaabulay oo aakhirkii keenay in milateriga Masar oo markan ka hor aan arag nin aan iyaga ka socon oo talada qabtaa ay xoog kula wareegeen sidaasna uu xukunkii afgembi ku qabsaday madaxweynaha hadda Cabdifataax Siisi oo markii dambe qabtay doorasho la iska sii ogaa in uu isagu ku soo baxayo.

Shabakadda dhinaca internet,ka ee Muslim Matters oo maqaalkan qortey ayaa waxa ay ka waramaysaa qaar ka mid ah hab-dhaqankii Mursi oo ahaa kuwo aan hore loogu arki jirin madaxdii soo martay dalka Masar ama la oran karo inta badan ee madaxda dunida kama dhacdo, waxa aanay kala yihiin sidan:

1. Waxa uu ahaa qur’aan ruug, korka ka haya soddonka Jus: Xaqiiqooyinka tirada yar ee laga ogyahay madaxweyne Maxamed Mursi, waxaa ka mid ah in uu si fiican dusha uga xafidsanaa Qur’aanka Kariimka ah, si aad ahna u joogtayn jiray akhriskiisa.

2. Maskax badnaan: In wax laga ogaado heerka maskaxeed iyo garaadka Madaxweyne Mursi waxa ay muhiim u tahay, hadallada tan iyo markii xilka laga tuuray sida is-daba joogga ah uga soo baxayey dadka dhaliila ee ku tilmaamay in uu ahaa nin aan aad u fariid ahayn ama qaatay go’aamo ay ka muuqato maan-gaabnimo. Dadka arrintan ku doodaa waxa ay xujo ka dhigtaan go’aamo door ah oo u muuqday in ay sii huriyeen caradii ka dhanka ahayd Madaxweyne Mursi, go’aamadaas uu qaatay ee ay dhaliilaanna waxaa ka mid ah, kordhintii cashuuraha iyo ka noqoshadeedii, magacaabistii guddoomiyihii gobolka Al-Aqsar iyo dagaalkii uu la galay garsoorka dalkaas. Laakiin marka caadifadda dhinac la iska dhigo ee si rasmi ah arrintan loo lafaguray, waxaa soo baxaya caddaymo waaweyn oo u marag kacaya in uu ahaa aqoonyahan go’aamada uu qaadanayaa ay yihiin kuwo uu si cilmiyeysan uga baaraan degey kuna qotomiyey qaaciidooyin cilmiya.

Mursi waxa uu ahaa aqoonyahan xilligii waxbarashadiisa lagu yaqaannay maskax badnaan, waxa uu haystaa shahaadada jaamacadda ugu sarraysa ee PhD, waxa uu ahaa bare jaamacadeed oo gaaray darajada Professor, waxa aanu madax ka ahaa Kuliyadda Injineeriyadda ee jaamacadda Zagazig ee dalka Masar, xilkaas oo uu hayay illaa maalmo dhoweyd oo uu xabsiga ku jiray.

Mursi waxa uu hore uga soo shaqeeyey mashaariic kala duwan oo dalka Maraykanka ahaa, waxa aanu bare-sare ka noqday jaamacado dalkaas ku yaalla. Muddadii gaabnayd ee uu xilka madaxweynaha Masar hayey, waxa uu ku guulaystay mashaariic door ah, waxa aanu isku xeeray oo dhammaan laga markhaati kacay, la taliyeyaal aqoon buuxda iyo waayo-aragnimo u leh arrimaha uu u diranayo ama kala tashanayo.

3. Mursi waxa uu ku noolaa guri shicib oo caadiya: Dalka Masar waxaa ku yaalla qasriyo si aad ah loo qurxiyey oo loogu talagalay in uu madaxweynuhu ku noolaado, gaar ahaan magaalada caasimadda ah oo ay dhinacyo kala duwan kaga yaallaan qasriyadan oo ku fadhiya dhul aad u ballaaran oo aanay maskaxdu sawiran karin, gudahoodana ay ka jirto nolol raaxo adduun loo dhamaystiray.

Mursi markii uu xilka la wareegay ee uu qasriyadan soo maray soona arkay quruxdaa indho-sarcaadka ah waxa uu go’aanasaday in aanu qasriyadan si rasmi ah ugu noolaan. Laakiin markii dambe go’aankiisaa waxbuu ka beddelay, waxa aanu ogolaaday in uu shaqada rasmiga ah ee dawladda ku qabto qasriyadan oo ay xafiiskiisa noqdaan, laakiin uu isagu shakhsi ahaan marka uu shaqadiisa dhammaysto ku noolaado guri u kiraysnaa oo qayb ka ah fooq ka kooban guryo yaryar oo dadka laga kireeyo, muddo ayaanu gurigan ku sii noolaa isaga oo madaxweynaha dalka ah.

4. Walaashii oo cudur u dhimanaysay ayaa uu diiday in la siiyo daweyn ka duwan ta muwaadiniinta caadiga ahi helaan: Maxamed Mursi intii uu madaxweynaha ka ahaa dalka Masar waxaa dhacdey in walaashiii ay si xun u bukootay una dhimatay xanuun ku dhacay, intii ay xanuunsanaysay ayaa uu madaxweynuhu cisbitaalka ku booqday, dhakhaatiirtii xaaladdeeda gacanta ku haysayna waxa ay u sheegeen in laga yaabo in xanuunkeedan wax lagaga qabto haddii loo gudbiyo cisbitaallada Yurub ama Maraykanka.

Dhakhaatiirtani waxa keliya ee ay ka sugayeen madaxweynuhu waxa uu ahaa in uu bixiyo amarka ah dibadda ha loo qaado, kaas oo isla marka uu debnihiisa ka soo baxo loo diyaarin lahaa qalabka ugu casrisan dhinaca caafimaadka ee diyaaradda lagu saarayo, khubaro caafimaad oo sii raacda iyo diyaarad toos u geysa dalka loo qaadayo. Laakiin Mursi waa uu diiday, waxa aanu si cad u sheegay in aanu doonayn in qoyskiisa loola dhaqmo si ka sarraysa muwaadiniinta caadiga ah, inta uu muwaadinka caadiga ahi ka heli karo dawladda, wax ka badanna aanu siinayn. Sidii ayaa ay walaashii ku geeriyootay, iyada oo ay dadka reer Masar markii abid ugu horreysay arkayeen madaxweyne qof qoyskiisa dhow ka mid ahi si caadiya cisbitaallada dalka ugu geeriyoonayo.

5. Aadaanka iyo salaadda: Dadka reer Masar oo aan muddo dheer arkin madaxweyne la tukanaya salaadaha caadiga ah, marka laga reebo salaadaha ciidaha iyo marmar jimceyaasha ah ayaa markii ugu horreysay arkay madaxweyne marka uu khudbadaha caadiga ah jeedinayo haddii uu maqlo aadaanka salaadda, joojinaya khudbadda inta uu aadaanku dhammaanayo, intaas oo keliya ma’aha ee Mursi si kalsooni leh oo Calmaaniyiinta dalkiisa ka caraysiisay ayuu sida sunnuhu yahay aadaanka ereyadiisa uga daba oranayey Mu’addinka, kaddibna akhriynayey ducada ka dambaysa aadaanka, sidoo kale waxa uu caan ku ahaa in uu shanta salaadood si caadiya isaga xaadiriyo masaajidka.

Tallaabadani waxa ay dad badani dareensiisay in uu isbeddel weyn oo dhinaca diinta ahi ka dhacay dalka Masar, waxa aanay colaad iyo caro ku beertay dadkii aaminsanaa in aan calaamadaha Islaamka lagu arkin goobaha la isugu yimaaddo iyo xarumaha dawladda.

Waxaa Diyaariyay: Cabdullaahi Nuur Maxamed (Colombo)

Hadalsame Media