Wax badan ka baro sababta ay u badnaayeen axaadiista Abuu Hurayra

0

(Hadalsame) 18 Juun 2019 – Abuu Hurayra wuxuu ahaa saxaabi jaliil ah, gaar ahaan wuxuu aad ugu tusmaysan yahay dhanka werinta axaadiista nabawiga ah, haddaba wax badan ka baro.

1- Abuu Hureyra wuxuu soo islaamay sannadkii 7aad wuxuuna la joogay Nebiga NNKH ilaa uu ka dhintay bilawgii sannadkii 11aad. Waa afar sano.

2 – Wuxuu weriyey 1579 xadiis oo isugu jira wuxuu maqlayey iyo wuxuu arkayey (waxaa la sheegaa wax 5000 ka badan laakiin waxaa ku jira axaadiis dhawr kitaab lagu weriyey oo sidaas loo tiriyey laakiin markii xadiis walba gaar loo sooco lagana saaro kuwa soo noqnoqnaya waa 1579 – xigasho Axmed Shaakir, taxqiiqa Alfiyatu Suyuudi) . Dhammaan axaadiistaas waxaa iyaguna soo tebiyey saxaabo kale oo maqlayey ama arkayey sida Abu Hureyra. Waxaa jira 110 xadiis oo Abuu Hureyra uu keligii weriyey (xataa kuwaan in badan oo ka mid ah saxaabo kale ayaa ereyo kale ku soo sheegay oo haddii la tiriyo axaadiista micnahooda iyo ereygoodaba uu la gaarka noqday waa 10 wax ka yar).

3- Axaadiistu maaha oo keliya wixii Nebigu NNKH ku hadlay. Waxaa ka mid ah dhacdooyin dhacay waqtigiisii oo la soo sheegay inuu ka aamusay. Waxaa ka mid ah wixii caadadu ahaan jirtey waqtigii Nebiga oo aanu ceeb ku sheegi jirin. Waxaa ka mid ah muuqaaladii dharkiisa iyo wixii uu cuni jirey. waxa ka mid ah wax dad isagoo jooga ku hadleen oo uu ka aamusay. Waxaa ka mid ah sidii guryihiisu u ekaayeen. Waxa ka mid ah wixii isaga ku dhacayey sida xanuunadii iyo dhaawacyadii dagaalada.

4- Afarta sano waa 1460 maalmood. Markaa Abuu Hureyra maalin walba wuxuu maqli jirey ama arki jirey wax ka yar 2 dhacdo oo uu soo tebiyey.

5- Nebigu wuxuu dadka kaga duwanaa in la xiiseynayey sida uu u tukanayey, u weeseysanayey, u soconayey, u fariisanayey, u dawaafayey, u sacyinayey, u dagaalamayey, wax u cunayey, wax u kala xukumayey, u ganacsanyey, iyo xataa siduu u aamusayey . Markaa yaab ma laha in si gaar ah la isugu taxalujiyo in la diiwaan geliyo noloshiisii oo dhan.

6- Abuu Hureyra masjidka ayuu seexan jirey. Dagaaladuu aadi jirey oo sidii wax u dhaceen soo tebiyey. Wuxuu arkayey wafdiyada nebiga masjidka kula shiraya waxay is dhaafsanayeen. Salaadaha oo dhan ayuu la tukanayey Nebiga NNKH wixii dhacayeyna waa u fiirsanayey.

7 – Wuxuu dhintay sannadkiii 59aad ee Hijriga. Saxaabo badan ayaa weli noolaa. Lama hayo in saxaabadu Abuu Hureyra ku sheegeen inuu been sheegayey intii uu noolaa iyo markuu dhintay ka dib midna. Haddaanay waxa uu sheegayo ku raacsanayn, ama aanay kalsooni ku qabin aqoontiisa iyo xusuustiisa iyo xilaksnimadiisa kamay aamusi lahayn qaladaadkiisa. Waxaa jirtey in qaar saxaabada ka mid ah ay ka maqleen Abuu Hureyra wax aanay hubin oo markii ay saxaabadii kale weydiiyeen ogaaday in uu saxan yahay Abuu Hureyra (sida Ibnu Cumar xadiiska Qiiraadka).

8- Waxaa jirta in la soo weriyey in Cumar bin Khadaab ka joojiyey Abuu Hureyra inu xadiiska sheego. Tebintaasu ma aha mid xooggan laakiin waxaa Cumar caado u ahayd inuu dadkoo dhan u kula talin jirey in aanay Quraanka kaga mashquulin wax kale. Mar uu dad macallimiin ah u diray Ciraaq wuxuu kula sii dardaarmay inaanay xadiiska badin hadduu dadka Quraanka ka mashquulinayo. Ra’yiga Cumar gaar kuma ahayn Abii Hureyra.

9 – Saxaabo fara badan ayaa wax ka werin jirey Abuu Hureyra oo qaarkood isaga ka hor soo islaameen. Abuu Hureyra waxaa lagu sheegay xifdi iyo xusuus aad u sarraysa.

10 – Wuxuu wax ka werinayey macallinkii adduunka ugu xikmadda badnaa, uguna wax sheegi ogaa oo hadalkiisa iyo falkiisuba diin ahaayeen. Wax walba inuu ka eegto oo dadka la wadaago diin ayuu u haystey. Macallin fiican iyo arday wanaagsan marka ay is helaan cilmi sare ayaa soo baxa.

11 – Ardayga UK ka qaata shahaadada Bachelors wuxuu saddex sano oo todobaadkiiba 4 maalmood ah tagaa fasal. Fasaxyo badan ayuu qaataa oo sannadka ma wada tago, maalmaha qaarna waaba iska maqnaadaa. Haddii la eego waxa uu qortay ama ka xasuusto wixii loo dhigay waa ka badan tahay 1600 oo shey ama hadal.

12 – Hadalka ugu badan oo wada socda oo hal qof laga soo weriyey waxaa lagu sheegay gabayga Mahabharata ee la sheegay inuu tiriyey nin Hindi ahaa oo la oran jitey Vyasa. Wuxuu ka badan yahay 200,000 oo beyd. Taariikh nololeedkii Winston Churchil iyo Sai Baba waxaa laga qoray 24 volume iyo 32 volume oo aan weli dhammasytirnayn.

Carabta waqtigaas waxaa ku badnaa in gabayga dusha laga qabto oo tusaaleyaal badan ayaa la sheegaa in ay jireen qaar gabay kun beyd ah hal fadhi ku xifdiyey. Markii uu dhintay Nebigu NNKH, waxaa saxaabada lagu sheegay ilaa boqol kun inay ahaayeen. Waxaan is leeyahy dadkas boqolka kun ahaa, la yaab maaha in laga helo hal qof oo xifdigiisu bato oo weliba si ammaano leh wax u soo tebiya.

Waxaa Diyaariyay: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media