BOQORKII: ”Ii keena sawirrada madax malag iyo mid shaydaan!”

0

(Hadalsame) 18 Juun 2019 – Boqor Talyaani ah ayaa wuxuu ku amray kuwa farshaxanka ka shaqeeya in ay u keenaan laba sawir oo midna uu yahay sawir malaa’ig, kan kalana uu yahay sawir sheydaan (Acuudka). Maadaama malag iyo sheydaanba qof aragtay aysan jirin haddana mala awaalka niyaddooda ka dhisan ayay wax ku sawirayeene.

Maalmo kaddib nin kamid ah farshaxamiistayaashii ayaa wuxuu soo helay wiil yar oo indha qurxan leh dhoollacadyntiisuna ay cajiib tahay. Wiilkii ayuu sawiray oo boqorkii u geeyay kaddibna abaal marin badan ayaa la siiyay ayadoo la leeyahay sawirkii malagga ayaad soo heshay, waxaana lagu amray in uu u dhimanyahay sawirkii sheydaanka oo uu dhaqso ku keeno.

Farshaxamiistihii wuxuu tegay meel walba oo uu islahaa waxaa jooga qamarjiyaal weji sheydaan leh. Wuxuu ku wareegay xabsiyada iyo meelaha daroogada lagu gado. Baadigoobkaas sheydaanka lagu raadinayay wuxuu qaatay 40 sano ilaa uu boqorkii ka gaboobay oo uu is dhahay waad dhiman doontaa adiga oo aanan wejigii sheydaanka arkin.

Boqorkii wuxuu farshaxamiistihii ugu yaboohay lacag aad u badan inuu siin doono, farshaxamiistihiina ugu dambeyn wuxuu soo helay nin nolosha ka dhacay oo wejiga dhowr daqar ku leh daroogadana nuuc walba ka isticmaala oo aanan cidna u aaba yeeleynin marka uu qoslana afkiisu uu iska duleelo oo aanan wax ilko ah lahayn.

Markii uu boqorkii hor keenay waxaa laysla wada qiray in ninkani uu leeyhay wejigii sheydaanka ee la raadinayay, farshaxamiistihiina mar labaad ayaa abaal marinno la siiyay oo lagu amray inuu sawiro wejiga ninkaan. Markii uu farshaxamiistihii diyaarsaday rinjigii uu wax ku sawiri lahaay iyo boorkii oo uu hor fadhiistay ninkii la sawirayay ayuu arkay ninkii oo iska ooynaya oo ay ilmadu dhabankiisa qoysay.

Inta u soo dhowaaday ayuu waydiiyay bal in uu u baahanyahay xoogaa qamro ama xashiish ah in uu ku dhufto. Ninkii isaga oo ay ilmadu ka socoto ayuu ku jawaabay ” mudane, waan ku xasuustaa oo afartan sano ka hor ayaad sidaan oo kale ii sawirtay adigoo wejigayga ku tilmaamaya in aan malag ahay, maanta oo uu waqtigu iga danaaniyayna waxaad i sawiraysaa adigoo sheydaan iga dhigaya”

Farshaxamiistihii aad buu u ooyay oo inta iska tuuray qalinkii uu wax ku sawirayay meeshii iskaga tegay.

Dulucda sheekada (dadka wax sawira/saxaafddu waxay tixgeliyaan shaqadooda ee hoos uma eegaan duruufaha dadka ay sawirkooda gudbinayaan ee ay lacagaha ku helayaan madaxooda).

Waxaa Qoray: Aqwaan xasan Jiddhi

Hadalsame Media