GABAR GEESI AH: Nin SHABEEL uga cararay xaaskiisii & cunug uu dhalay (Daawo)

0
Leopard hunting in savannah Credit: Getty

(Hadalsame) 18 Juun 2019 – Caadiyan waxaa jirta aragti ay raggu iska dhaadhiciyeen balse aan moowduuci ahayn oo ku saabsan inay haweenka ka geesisan yihiin, ama haddii si kale loo yiraahdo ayba yihiin ”ilaaliyaha haweenka!”

Ha yeeshee, muuqaal cusub oo laga soo duubay xero xayawaan oo ku taalla Afrika ayaa waxaa lagu arkay arrin aad loola fajacey.

Dad la sheegay inay qoys iyo asxaab ka koobnaayeen ayaa ka degey gaari yar oo raaxo ah oo ay saarnaayeen, balse jeer ay sawirro iskula jeedaan ayaa waxaa soo weeraray haramcad baahan.

Yeelkeede, raggii iyo haweenkii goobta joogey ayaa cagaha wax ka dayey, waxayna meesha uga carareen gabar la socotey iyo wiil yar oo wadatey, waxaa xitaa la sheegay inuu ku jirey ninkii gabadhaa qabey.

Gabadhii oo markan bahalihii looga kala tegey ayaa waxay samaysay degannaan middii ugu heer sarreysey, waxayna iyadoo xaaladda taagan sida ugu macquulsan ula macaamilaysa ay horta xambaaratay wiilkeeda, waxayna iyadoo iska cararin si miisaaman u samaysay dib u gurasho xeeladaysan, iyadoo ilna ku socota ilna bahallada ay iska yraynayso iskaga eegaysa, ilaa ay gaarigeedii ka dhex gasho.

Hadalsame Media