DHEGEYSO: Xaafado ka tirsan Göteborg oo calool xanuun ka dillaacay (Digniin lasoo saaray & warar googoos ah)

0

(Hadalsame) 18 Juun 2019 – Kahor Koobka Adduunka hablaha ee haatan ka soconaya dalka Faransiiska, laacibadda reer Sweden ee Kosovar Asllani waxay ka mid ahayd taageerayaasha aaladda VAR, balse haatan waa ka shakisan tahay kaddib dhowr dhacdo oo muran ka dhashay.

Aslani ayaa tixraacaysaa ciyaartii shalay ee Faransiiska iyo Nigeria oo aad uga carootey kaddib markii France la siiyey fursad ay markale ku laadaan gool ku laad ay badbaadisey gabadha goolwalaha u ah Nigeria oo lagu eedeeyay inay dhaqaaqday tuuryada ka hor, iyadoo la adeegsanayo aaladda VAR. 


Dhanka kale, Waxa hoos u sii dhacaya farqiga u dhaxeeya mushaarka ragga iyo dumarka. Celcelis ahaan ayaa meesha ninku ka qaato 100 karoon waxey haweeneydu heshaa 89 karoon taasoo sanadki hore hoos u dhacday 0,6 boqolkiiba.

”Waxa yimid isku dheellitir la xiriira kala qeybinta xirfadaha suuqa shaqada iyadoo ay dumar iyo rag badani qabtaan shaqooyin awal ay u badnaayeen ragga ama dumarka. Mida kale shaqooyinka qaar ay dumarku u badan yihiin ayaa mushaarkoodu si wacan u kordhay,” ayuu yiri John Ekberg, oo ah mas’uulka tirakoobka ee machadka Medlingsinstitutet.


Wakaaladda Biyaha ee magaalada Göteborg ee lagu magacaabo Kretslopp och Vatten  ayaa soo jeedisay inay afar xaafadood oo ku yaala magaalada Göteborg bilaabaan inay biyaha iska karkariyaan, kaddib markii uu calool xanuun haleelay ilaa labaatameeyo qof.  Tommy Ekblad, waa madax waaxeed ka howlgala laanta biyaha ee degmada Göteborg oo ka hadlaya sababta.

Afarta xaafadood ee talada lagu siiyey iney biyaha iska karkariyaan inta aaney isticmaalin ayaa kala ah: Majorna, Kungsladugård, Sandarna iyo xaafadda Stigberget. Waana xaalad socon doonta illaa iyo Arbacada, sida uu sheegay Tommy Ekblad.

 

Hadalsame Media