DAAWO: Tagaasileey badan oo Soomaali ah oo ay shaqa la’aani soo wajihi karto (Sabab!?)

0

(Washington, DC) 16 Juun 2019 – Sharikadda Uber ayaa shir sanadeedkeeda Elevate Summit ee Washington DC kusoo bandhigtay gaadiid cireed cusub oo shaqa la’aan dhigi doona tagaasileey badan oo ay Soomaali ku jirto.

Sharikaddan caalamiga ah ayaa soo bandhigaysa TAGSI CIREED mustaqbali ah oo ay sheegeen inuu yahay mid ay raacistiisu caadi noqon doonto sanadaha yar ee soo aaddan.

Tagsi cireedkan waxaa farsamaynaysa sharikad lagu magacaabo Bell Helicopter, waxaana qorshaha Uber yahay inuu toos u howl galo guga 2023-ka.

Waxaa tagsi cireedkan lagu soo bandhigi doonaa bannaanka dhismaha caanka ah ee Reagan Building ee caasimadda Maraykanka ee D.C.

Tagsi Cireedkan ayaa ah mid isagu is wadaya oo aan u baahnayn wax duuliye ah, isagoo qofka gaynaya halkii uu doono, isagoo adeega ka dalbanaya app-kiisa.

Hadalsame Media