SAWIRRO: Min-wayn doolshe afka u gelinaysa min-yaradeedii oo dunida ka qaylisiisay (Arag fal-celinta)

0

(Lagos) 16 Juun 2019 – Markii ay Yakaka Mandara soo tweet garaysay sawirka haweenay min-wayn ah oo afka doolshe u gelinaysa mid kale oo lala guursadey, ma aysan filaynin inuu sawirkaasi dunida xuli doono oo uu ka bixi doono Nigeria.

Yeelkeede, taasi waa wixii dhacay, taasoo dib u daartay dooddii qarniyada soo jirtey ee mawaadiicdan ku xiriirsanayd, gaar ahaan Afrika.

Haweenayda min-waynta ah ayaa la sheegay in ay soo dhowaysey inuu ninkeedu xaas 2-aad guursado iyadoo weliba u duubatay qaban qaabada xafladda arooskeeda, balse waloow ay dad badani geesiyad ku tilmaameen, qaar kale ayaa ku sheegay qof dib u socod ah oo dunida ka dambaysa.

Guursiga haweenka badan ayaa aad looga dhaqmaa qaaradda Afrika, waloow ay taasi mamnuuc ka tahay 26 dal oo ka mid ah 54 dal oo ku yaalla qaaraddaasi.

Dadka qaar ayaa soo qoray xifaalooyin kala duwan sida; ”xaaska 2-aad weli ma nooshahay?” iyo ”haddii ay lacagi meesha timaado wax kasta waa suuragal.”

Hadalsame Media