Booliiska Maraykanka oo si insaaniyadda ka baxsan ula dhaqmay haweenay madow ah & cunug yar oo ay dhashay (Daawo)

0

(Phoenix, AZ) 16 Juun 2019 – Booliiska magaalada Phoenix ee caasimadda gobolka Arizona ee dalkaasi Maraykanka ayaa si xun oo ka badbadis ah ula macaamilay qoys madow ah.

Booliiska ayaa waxaa oo dhan u sameeyay oo qoyskaa xitaa toogasho ugu hanjabey markii uu cunug yar oo 4-jir ihi uu bannaanka ula soo baxay boombale yar hooyadii oo aan ogayn, jeer ay ku jireen meel dukaan ah.

Waxaa lasoo duubay Booliiska oo deeto haweenayda oo sidoo kale uur leh, gaarigeedii hareeraynaya iyagoo ku amraya inay daaqadda furto haddii kale ay tooganayaan.

Haweenayda ayaa deeto ku cataabaysa inaysan furi karin, iyadoo ka baryaysa inay ka daayaan qoriga ay ilmeheeda ku fiiqayaan iyo inay daaqadda iyagu furaan.

Halkan hoose ka daawo….

Hadalsame Media