”Maalintii MEHERKA ayaa wiilkii la waayay!” – Qiso dhab ah oo dhexmartay wiil & gabar Soomaaliyeed

0

(Hadalsame) 16 Juun 2019 – Bilowgii 90aadkii ayaa dhallinyaro Soomaaliyeed wada deggenaayeen guri dhawr qol ah oo London ku yaal. Waxay ahaayeen rag marka laga reebo hal gabar oo iyadu qol deggenayd.

Gabdhaha keligood ah inay dad aan Soomaali ahayn la degaan waxaa uga kalsooni badnaa oo ay ku asturmayeen inay, hadday gabdho Soomaaliyeed waayaan, ay qol ka degaan guri wiilal Soomaali ah deggan yihiin. Dhallinyaro kale ayaa guriga u soo sheeko iyo shaah doonan jirey. Wiil ka mid ah dhallinyaradii soo sheeko doonan jirey ayaa gabadhii kula heshiiyey guur. Way aqbashay.

Galabtii loo fadhiyey nikaaxa, ayaa la waayey wiilkii. Markii lala hadlayna wuxuu sheegay inuu ka noqday oo aanu imanayn. Wiil guriga deggenaa, oo ay qaraabo ahaayeen kii ballanta ka baxay, ayaa gabadhii ku yiri loo kala kici mayo galabta oo anigaa ku mehersanaya.

Gabadhii waxay wiilkii shardi uga dhigtay inuu noloshiisa wax ka beddelayo oo weliba waxbarasho gelayo. Wuu ku aqbalay. Nikaaxiina waa dhacay.

Wiilkii wuxuu galay college. Is beddel weyn ayuuna ku sameeyey noloshiisa. Maalintuu dhammeeyey waxbarashadii, ayuu noqday qofkii ugu sarreeyey ardayda weliba derejo naadir ah keenay. Waxaa la siiyey haddiyad iyo bashqad (envelope) xiran. Ardaydii ayaa ku tiri fur haddiyadda aan kula faraxnee. Wuxuu yiri maya. Xaaskayga qof aan ahayn ma furayo.

Ardaydii aan Soomaalida ahayn waa iska hareen laakiin Soomaalidii waa soo raaceen. Gabadhii ayuu la sii hadlay oo yiri marti badan ayaan soo wadaa ee shaah iyo martisoor diyaari. Diyaarisay.

Markay furtay waxaa bashqadda ku jirey lacag. Waxay noqotay laba kun oo gini. Wuxuu ku yiri haddaad aniga wax iigu iibiso kuma cafinayo. Adigaa ii diray waxbarasho adigaana leh abaalkeeda. Naftaada keliya wax ugu iibi.

Sheekada waxaa ii sheegay nin aan saaxiib nahay oo ay wiilka isku fasal ahaayeen. Wixii xusuustu i dhaafisay waa xaggayga.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media